Saldanadii Cadaalada (Adal)

Taariikhdu waxa ay maraysaa sanadkii 1517, waxa ay xabashidu dileen Maxfuud oo ahaa hogaamiyihii Saldanadii Cadaalada, kadibna waxa loolan adagi dhex maray raggii hanka hogaamineed lahaa ee ku jiray saldanada hogaankeeda, yaa saldanada caynaanka u qabanaya ayaa su’aashii noqotay, muddo laba sano ah ayaa khilaafkaasi ka dhex jiray hogaankii saldanada, waxa se taladii ku soo baxay nin dhalinyar ah oo Soomaali ah, bulsha weyntii saldanadu hogaamineysayna ay aad u jeclaayeen, kaasi oo magaciisu ahaa Garaad Boon, nasiib xumo Garaad boon waxa dilay Abu Bakar Maxamed oo ahaa mid ka mid ah ragii doonayay in ay hogaanka saldanada qabtaan, Abu Bakar waxa uu ka mid ahaa Reerkii saldanada soo bilaabay, wuxu ilaalinayay abtirsiga saldanada, waxa uu xoog kula wareegay taladii, laakiin dilka Garaad boon aad ayaa ay dadkii uga cadhoodeen, waxaana ay bulshadii kala hor yimaadeen Abu Bakar diidmo, maxaa yeelay; dadka saldanadu maamushaa waxay u badnaayeen dad jecel cadaalada, oo la jira samo-wadeyaasha.

Axmed Ibraahim (Guray) oo ka mid ahaa dhalinyarta ku jirtay guutadii ciidan ee uu Garaad boon hogaamin jiray, ayaa wacad ku maray inuu u soo aar-gudo, dad aad u badan oo kale ayaa ku biiray ololahaasi loogu soo aargudayo Garaad Boon, kadibna Axmed Guray waxa uu dilay Abu Bakar, waxaa se xusid mudan Axmed Guray in uu gaadhay oo fuliyay, go’aan aad u cajab badan, oo ay ka muuqato talo-sami iyo biseyl siyaasadeed, waxa uu kursigii saldanada u sareeyay ee khilaafka ka dhex abuuray saldanada uu u daayay Reerkii lahaa, waxaanu saaray Abu Bakar-kii uu dilay walaalkiisii ka yaraa, oo magaciisu yahay Cumar Diini Maxamed, calashaan kursi magac-u-yaal ah, oo aan awood buuxda lahayn, halka uu taladii ciidanka iyo saldanada jaan-goynteedii siyaasadeed uu Axmed Guray caynaanka u qabtay.

Fiiro-Gaar: Ogow khilaafkii wiiqay awoodi dawladii uu Nebi Muxamed Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e ka geeriyooday, ee ay asxaabtu ku kala qaybsameenna waxa uu ahaa, koox dooneysay in talada loo daayo reer banu haashim iyo koox lahayd mayee kolba cida ku haboon, ee kartideeda leh ha loo dhiibo talada, isla khilaafkii oo kale ayaa Saldanadii Cadaaladana soo dhex galay, Abu Bakar oo doonayay inaan taladu ka wareegin ab-tirsiga qoyskii bilaabay saldanadda, iyo in badanoo kale oo aaminsanaa in Garaad Boon ku haboon yahay talada, waxaase khilaafkii daweeyay Axmed Guray.

Saldanadani ay cadaaladu yoolka u ahayd waxay soo bilaabantay qarnigii 9aad, iyada oo heerar kala duwan soo martay, in kasta oo bilawgeedii ay magacyo kale soo yeelatay, markii uu talada qabtay Saabir_Diini-gii 2aad ayaa uu ka dhigtay Cadaaladda siyaasad qaran, kadibna sidaasi ayaa saldanada magaceedu ku noqday Saldanadii Cadaalada ama Saldanada Adal.

Saldanadani waxa ay ka talinaysay dhul balaadhan sida map-ka ama sawirka ka muuqata, waxaana bulsha-weynta ay maamushaa ahaayeen qabaa’ilkii iyo qoomiyadihii ku noolaa dhulkaasi, oo ay soomaalidu ugu tiro iyo tayoba badneyd, waxa kale oo la wadaagayay qabaa’illada kala ah Argobaha, Canfarta, Hararida iyo Reer banii makhsuum ah oo ahaa reerkii bilaabay saldanadaha Shewa, Ifaat/Yifaat iyo Adalba.

Saldanada xiligaasi magaalooyinkeeda ugu waaweyni waxay kala ahaayeen Saylac oo caasimad u ahayd, Harar, Berbera, Casosa oo imika canfarta Itoobiya caasimad u ah, iyo Dhakar oo Harar u dhaw.

Waxa sida oo kale xusid mudan saldanadan cadaalada waxa xafiiltan iyo dagaallo joogto ahi u dhaxeeyeen maamulkii xabashida, kaasi oo caan ku ahaa dhul-balaadhsi iyo xadgudubyo bani-aadamka ka dhan ah, waxa maamulkaasi ka wada tirsanaa qoomiyadaha Axmaarada, Maya, Tigray iyo Agaw-ga oo ahaa yuhuud-madaw badankoodana ay Israel ka rartay Itoobiya, qoomiyadahaasi dhamaantood waxa ay ku noolaayeen dhulka gobollada shewa iyo Wello ka xiga galbeed iyo waqooyi, waxa maamulkaa xabashidu ka koobnaa sadex gobol, oo kala ah Goondhar, Goojaam iyo Tigray.

Haatan sanadku waxa uu marayaa 1520, markii uu Axmed Guray caynaanka u qabtay saldanadii cadaalada, isla markaana uu xaliyay khilaafkii hogaankii siyaasada soo dhex galay, waxa uu u jiheystay inuu bilaabo duullaano iyo weeraro uu ku qaadayo maamulkii xabashida ee kiristanka ahaa, kuwaasi oo dhib badan ku hayay bulshadii muslimiinta ahayd ee saldanada cadaaladu u ahayd dawlada, waxa ay maamulkaa xabashidu dileen badi madaxdii saldanada, oo uu kii markaa ugu dambeeyay, ee ay dileen ahaa Amiir Maxfuud.

Waxa bilaabmay dagaallo aad u qadhaadh, oo aan waxba la isula hadhin, Axmed Guray waxa uu ahaa ruug-cadaa dagaalka iyo xeeladihiisa ku fiican, waxa uu si aad u heer sareysa u habeeyay ciidamadii saldanada, waxa uu guutada ugu khibrada badan ama sida gaarka ah u diyaarsan, ee sooma jeedsadayaasha ah u bixiyay Malasaay, waxa uu ciidanka u qaybiyay qaab qabiil, oo qabiil kastaa hogaankiisa dhaqanka ayaa hogaaminayay, calankana u siday, kadibna waxa uu Axmed Guray takbiir iyo talo-saarashada Rabbi ku bilaabay hawlgalkaa ciidan, oo uu gudaha u galay dhulkii ay xabashidu ku dhibayeen muslimiinta iyo weliba dadkii kale ee qoomiyadaha kale ahaa.

Waxa ay dagaaladaasi socdeen 1529 ilaa 1543, waxa dagaaladaasi ahaayeen kuwo inta badan ay Saldanadu ka gacan sareysay Xabashida, Axmed Gurey iyo ciidankiisuna ay guulo badan ka soo hooyeen, kuna xoreeyeen dhul aad u balaadhan oo ay ka mid ahaayeen gobollada Shewa iyo Wello oo aanay xabashidu deegaan ku ahayn, waxa uu Axmed Guray gallay dhulkii sare ee cimilada wanaagsana, ciidiisuna ahayd carro-san, webiyada iyo durduraduna qulqulayeen, halkaasi oo xabashida u ahayd deegoonkooda rasmiga ah, waxa uu Axmed Guray fuuley buurihii dhaadheeraa ee ay kiniisadaha ka dul dhisteen, dahabka aadka u badanna ku dhex keydsadeen, isku soo wada duuboo waxa ay saldanadu ku dhufatay xilligaasi xabashida dhirbaaxo ay ilaa maanta xasuustaan, kuna abuurtay nacayb badan oo ay ilaa maanta u hayaan Soomaalida iyo guud ahaan wixii muslim sheegtaba, waa xilligii ay xabashidu cabsi darteen dab shidan kari waayeen, kadibna ay qabatimeen in ay hilibka ku cunaan qeydhiinka.

Dhulkii ay saldanadu gaadhsiisay cadaalada intii uu Axmed Guray talada hayay.

Illaahay fadligii waxa uu Axmed Guray ku guuleystay, inuu dilo hogaamiyihii Xabashida ee dilay Amiir Maxfuud kaasi oo magaciisu ahaa Lebna Dengel, waxa ciidamadii saldanadu qabteen innamadii boqorka iyo dhamaan dhaxlayaashiisii, kadibna waxa ay xabashidu qaylo-dhaan u dirsadeen dalkii Boortaqiiska oo ka mid ahaa quwadihii kiristaanka ee xiligaasi ugu xooga weynaa, waxa ay Boortaqiisku soo direen ciidan tiradiisu ahayd 400 oo askari oo uu hogaaminayay Kiristoofer Da Gama, oo ahaa wiil uu dhalay mid ka mid ah dhul-mareennadii yurub ugu saameynta badnaa Faasko De Gama, waxa ay ciidankaasi ka soo degeen dekeda Musawac ee haatan Ereteriya ku taal, kadibna waxa ay u soo gudbeen aagagii dagaaladu ka socdeen, waxa ay ciidankii saldanada la galeen ilaa afar dagaal, waxa Saldanadii Cadaaladu ay iyaguna qaylo-dhaan u dirsadeen Dawladii Cusmaaniyiinta oo ka talin jirtay jasiirada carabta, waxay u soo direen gurmad ah 900 oo ciidan ah iyo hub.

Kadibna waxa mar kale bilaabmay dagaallo lagu hoobtey oo labada dhinacba khasaare ka soo gaadhay, sanadkii 1542 waxa ciidamadii saldanadu qabteen Kiristoofer De Gama, kadibna way dileen, markii uu sanadku ahaa 1543 ayaa askari Boortaqiis ah uu ku soo dhex dhuuntay safkii ciidamada Saldanada, waxa uu dhaawac culus u geystay Axmed Guray, isaga oo dhaawacan ayaa uu dagaalada sii waday Axmed Guray, dagaalkii wuxuu gaadhay oo laysla tagay magaalada Wayna-Dega oo u dhaw harta caanka ah ee Taana, webiga Niil-kuna ka bilaabmo, halkan imika dagaaladu ka socdaan waa gobolka Axmaarada, oo Gondar iyo Goojaam ayaa qirinqiir ku jira, waxa dagaalka hogaaminaya dhanka xabashida boqor la yidhaa Galawdios, waxa dagaalkaa ka dhacay Wayna-Dega ku dhintay Axmed Guray, halkaasina waxa ku soo idlaatay taariikh dahabi ah oo koobsatay xoreynta dadka la gumeysto, fidinta cadaalada Islaamka, geesinimo iyo muujinta magaca Soomaaliyeed.

Intii uu Axmed Guray talada saldanada hayay waxa uu caasimada raray dhowr goor, sanadkii 1531 waxa uu ka dhigay magaalada Walala ee gobolka Shewa, hadana mar kale ayaa uu sanadkii 1533-kii ka dhigay caasimadii saldanada magaalada Kubar oo ku taala gobolka Wello, hadaba markii uu Axmed Guray geeriyooday (AHU) waxa taladii saldanada qabtay Amiir Nuur sanadkii 1550-kii, Amiir Nuur wuxuu u soo aarguday Axmed Guray, waxaanu ku dilay boqorkii Galawdiyoos duulaan uu ku qaaday xabashida, xiligaasi saldanada awoodeedii aad ayay u diciiftay, waxa bulshadii ka dhex dhacay dagaalo sokeeye, waxa saldanada weeraro joogto ah ku hayay Oromo cawaan ah oo ka timid dhanka koonfureed ama jihada Kiiniya, ciidamadii saldanada iyo kuwii xabashida labadaba waxa dagaalada ka soo gaadhay khasaare weyn, oo u baahan dib-u-kabasho, waxa labadii dhinac mid waliba galay xaalad adag, Amiir Nuur wuxuu caasimadii saldanada dib ugu celiyay magaalada Harar, isaga oo deyr adagna ku soo wareejiyay si aan Oromadu u soo gelin gudaha Harar, intaa kadib saldanadu in ay sii daciifto mooyee soo kabasho may lahayn, markii uu dhintay Amiir Nuur waxa taladii saldanada qabtay Amiir Maxamed Jaasa, sanadku markii uu ahaa 1577 ayay Oromadu weerar ku soo qaadeen caasimadii Harar, Amiir Maxamed waxa uu caasimadii u raray Casoosa oo ku taala dhulka Canfarta, saldanadiina waxay ku soo ururay Saylac, Harar iyo Casoosa, sanadkii 1672 ayaa Canfarta iyo Xarlada oo isbaheystay ku kaceen saldanadii, oo gebi ahaanba xididada u siibeen, iyaga oo sameystay maamul gooni-u-goosad ah, halkaana waxa ku soo idlaaday ilaa 8-qarni oo saldanadii cadaaladu ay jirtay.

Marka xaalku halkaa marayo, waxa bilaabmeysa gunnimadii geeska afrika, waxa gebi ahaanba kala furfurmaya qabaa’ilkii iyo qoomiyadihii ku mideysna saldanadii cadaalada, waxa bilaabmaya colaado u dhaxeeya reeraha ood-wadaagta ah, waxa ay xabashidii bilaabayaan in ay heshiisyo qarsoon la kala galaan qabaa’ilka si ay isugu diraan, waxa badanaya saldanadaha iyo boqorrada gaar gaarka loo kala leeyahay ee xafiiltamaya, waxa ay xabashidii furintii dagaalka ka soo rareen aagagii ciidamada, waxaanay ka dhex sameysteen qabaa’ilkii soomaaliyeed dhexdooda, waxa ay qabiil kasta ku dhex yeesheen dad iyaga danahooda siyaasadeed u adeega, una fuliya dhagaraha ay soo qoolaan, waxa xiligaasi bilaabmay dagaalka qadhmuun ee uu hal-ku-dhegiisu yahay Laynta Carab Dooni Ku Timiday, dagaalkaasi oo ay xabashidu ka dhex abuureen dadkii geeska afrika ku wada noolaa, gaar ahaan qabaa’ilka soomaalida, ilaa iyo maanta oo aan qormadani qorayo, dad aad u tiro badan ayaa midabkooda oo cas ama weji qurxoon oo ay leeyihiin loo galaaftay noloshooda, waxa uu inta badan aad u saameeyay dagaalkaasi reer sheekh Isaxaaq, iyada oo dagaalkaasi uu inta badan yahay mid qarsoon oo hoos-u-dil ah, dagaalkaasi maaha sida ay xabashidu u dhigeen in ay u jeedaan dad carab ah, se kolba ka ay cunayaan ayaa ay u bixiyaan magac ay inta kale kaga soocayaan, waxa kale oo isla xilligaasi soo baxay magaca habaarka weyn wata ee Midgaan (Midigtaada Alle Goo, oo looga jeedo; Alle awood aad cid wax ku yeesho kuma siiyo), waa markii ay soo baxeen reero dhibkoodu batay, oo colaadoodu noqotay mid ku dhisan dagaal-midgaan [waa dagaalka xasadka iyo nolol-u-quudhi-waaga ku dhisan, ee ganbadhka la isugu soo fadhiisto, kaasi oo dadka jaarka ah ama ood-wadaagta ah ka dhex qarxa, dagaalkaasi mid dhamaada maaha, dad iyo duunyana wuu dhameeyaa] Markii ay burburtay Saldanadii Cadaaladu ee qabaa’ilkii soomaaliyeed iyo qoomiyadihii saldanada kuwada jirayna ay kala furfurmeen, waxa deegaan kasta ka talinayay dadkii ku noolaa, tusaale ahaan Casoosa, Kubar iyo dhamaan gobolkii Wello ee saldanada waxa wada maamulayay Canfarta iyo Xarlada oo gooni u goostay, gobolka Shewa ilaa iyo Hararna waxa wada maamulayay Soomaalida, Hararida iyo Argobaha, dhulkii bariga ilaa iyo xeebahana qabaa’ilka soomaaliyeed ayaa iniba meel ka sameysteen maamul u gaar ah, oo sidii Saldanada oo kale u shaqeynaya, waxa ay taasi keentay in Xabashidii iyo Oromadii helaan kanshe ay kolba ku soo durkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?