Qardhaastii Hadalka Yaabka Lihi ku Qornaa !

Waxay isku dhaceen oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay nin tuulada u ahaa sheekhii wax dabiibayay, kadib ninkii wuu xanuunsaday, inuu sheekhii ay isku dhaceen u tagaana way ku adkaatay, dadkii tuulada ay wada deganaayeen ayaa kula taliyay inuu sheekha soo raaligaliyo oo u tago, maxaa yeelay; ninkii marba marka ka dambeysa xanuunku wuu ku sii badanayay, maalintii dambe ayuu go’aan ku gaadhay inuu sheekhii ay isku dhaceen u tago, kadib sheekhii markuu arkay ninkii ay coloobeen, oo ugu yimid inuu dabiibo, wuu u qaadan waayay, sheekhii intuu qardhaas u sameeyay ayuu ku yidhi “Xidho Qardhaastaasi waad bogsanne…”, ninkii markii uu qardhaastii xidhay, xannuunkii hayay ee uu la itaalka darnaa wuu ka ba’ay, in muddo ah ayuu ninkii qardhaastii xidhnaa, berri dambe ayay qardhaastii ka duugowday, oo waxa ka debcay xadhigii ku marnaa, kadib wuxuu go’aansaday inuu bal arko qardhaasta waxa ku jiray, markii uu furfuray wuxuu ugu tagay warqad, warqada waxa ku qoran “Aabahaa iyo Inantiinaba… Ma iga maarmi weyday”, ninkii wuu u qaadan waayay, waxaanu isweydiiyay “Waar malaha caydani kumaad bogsan…

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?