Qofka Dabeecadiisa Dhabta Ah Marnaba Isma Badesho

Rumeyso: Qofka Dabeecadiisa Dhabta Ah Marnaba Isma Badesho Wax Walba oo Dhaca,
 
Tani Waa Sheeko Run Ah 🐍
 
Nin Ayaa Arkay Mas Ku Dhacay Dab, una Dhaw Inuu Ku Dhinto Dabka, Wuxuu Go'aansaday Ninkii Inuu badbaadiyo Maska, markuu u dhaqaaqay badbaadintii Maska, banaankana uga soo saaray dabkii, ayaa Maskii wuxuu qaniinay gacantii naxariista u fidisay, kana badbaadisay dhimashada, ninkii xanuunkii qaniinyada Maska darteed wuxuu sii daayay Maskii, oo hadana mar kale ku dhacay dabkii.
 
Ninkii wuxuu u qaatay in markan uu isagu sabab u yahay dhimashada Maska, oo uu isagu ku riday dabka, wuxuuna go'aansaday inuu mar kale ka soo badbaadiyo, laakiin jid aan aheyn kii hore inuu ku badbaadiyo, wuxuu soo qaatay ul dheer, sidaas ayuuna uga soo saaray Maskii dabka, una badbaadiyay naftiisa iyo naftii Maskaba.

Wuxuu Ku Diray Allihii Uu Wax Weydiisanayay !!!

Nin ayaa soo galay Masaajid si uu Alle wax u weydiisto, kadibna intii uu weydiisan karayay markii uu dhameystay, ayuu waraaq ku qoray ducadii, kadibna kitaab Quraan ah ayuu ku dhex riday warqadii, isaga oo u qasdiyaya inuu Alle u diray ducadiisii, kadibna wuxuu u baxay istijo iyo weyso.

Mid kale oo masaajidka isna fadhiyay, oo arkayay markii uu warqada ku dhex ridayay kitaabka, ayaa inta uu soo kacay kitaabkii kala furay, warqadiina ka soo saaray, oo akhriyay, mise waxa ku qoray: "Alloow Wax I Sii" kadibna...

Dilkii Madaxwaye Cabdirashiid AHNU.

Waxa Qoray: Yuusuf Shaacir

Qisadan waxaa iiga sheekeeyay Xuseen Yalaxle oo aan maanta kula kulmay magaalada Burco waxaanu yidhi

Xiligaa madaxwaynaha la dilay waxaan hudheel cunto ku haystay magaalan Burco, Waxaana xidhiidh fiicani naga dhaxeeyay ciidanka Bilayska Burco, saraakiishii bilayska ayaa waxay ii keeneen askarigan dilka gaysan doona, waxaanay ii sheegeen in ay bixinayaan kharashkiisa, hudheelkana aan buug uga furo.

Magaalada Diridhaba (Dir Dhab Ah) Maxaad Ka Taqaan?

Magaalada Diridhaba waxaa la aasaasay 1902-dii marki magaalada uu soo gaaray iyada oo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa u jirta 525 km.

Odayaasha waaya aragga ah ee magaaladaasi waxay sheegeen wixii ka horreeyey 1902-dii magaaladu ineysan ahayn wax magaalo lagu tilmaami karo, balse ay ahayd tuulo yar oo ay dhirtu ku badan tahay biyana ay ka burqanayeen.

Waxayna maamul ahaan magaaladu ka kooban tahay 4 degmo hoosaad, 24 xaafadood oo magaalada ah iyo 28 tuulo oo miyi ah.

Shacabka magaaladaasi ku noolna waxay ku hadlaan afafka Soomaaliga, Oromada, Amxaariga, Guraaga iyo Harari.

Magaaladaasi afka Soomaaliga waxaa loogu yeeraa Diridhaba ama Diridhabe, Afka Oromadana Dirre Dhawaa, halka afka Amxaarigana looga yeero Dire-Dawa.

Af Wax Cunay Xishoo !!!

Waagii uu Ingiriisku gumeysanayay Hindiya, ayaa Sarkaal Ingiriis ah wuxuu dharbaaxay nin Hindiyaan ah, oo amar-diiddo sameeyay. Hindigii oo xanaaqay ayaa Sarkaalkii ka aarsaday, kuna dharbaaxay dadka dhexdooda.

Sarkgaalkii oo dareemaya in la bahdilay ayaa ku laabtay saldhigga, wuxuuna Taliyihiisa ka codsaday in ninka la ciqaabo, si aysan Hindidu mar dambe ugu soo dhiirran Askarta Ingiriiska, balse Taliyihii ayaa dalbaday in loo keeno ninkii Hindiga ahaa, wuxuuna Sarkaalkii faray in uu Hindiga raalli-geliyo, uuna siiyo ₹50,000($700) oo xaal iyo xumeyn ah. Sargaalkii wuxuu fuliyay amarkii Taliyaha, isaga oo ka xun in uu raalli geliyo ninkii isaga dadka ku dhex dharbaaxay.

Habaarkii Ku Dhacay Magaalada Daba-Goreyaale

Magaaladan mucjiso ayaa ka dhacday muddo haataan laga joogo lixdan sano iyo dheeraad.

Nin dadkii reer guuraaga ahaa ka mid ah, degenaana miyiga magaalada, laguna magacaabi jirey (Ina Xoosh Baraar) ayaa waxa ka umushay xaaskiisii, biyo la'aan ayuu reerkuna ahaa.

Awr dhaan ah ayuu soo kaxeeyey, si uu umusha ugu soo dhaamiyo, wax uu soo socdaba magaaladii ayuu yimi, dadkii deegaanka ee baraagaha lahaa ayuu ku yidhi: "Awrkan dhaanka ah ii dhaamiya, reerkii wuu iga biyo la'aa, gabadhii oo umushayna waan kaga imide..."

Waagaa biyo yari ayaa jirtey, waana loo diidey in loo dhaamiyo, xaalku wuu ku adkaadey, aakhirkii nin Laaran la odhan jirey oo ganacsatadii magaalada ka mid ahaa, ayaa u dhaamiyey awrkii, isla goobtii ayuu ka heesay, tixdan habaar-suugaaneed ayaanu tiriyey:

Adduun Waa Loo Dad Badsadaa (Qiso Dhab Ah)

Nin oday ah baa maanta wuxuu iiga sheekeeyay sababta uu ugu hal-qabsado markasta Aduun waa loo dad badsadaa...

Wuxuu ii sheegay in sannadkii 1980-kii isagoo jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, oo ay hal qol ku degen yihiin 4 wiil, bishuna ay dabayaaqo tahay, oo aysan ijaarkii/kiradii gurigana aysan haysan, ileyn ma shaqeeyaan cid dibada wax uga soo dirtana aysan jirin, oo uu walaac xoogan hayo oo ku saabsan sidii wax la yeeli lahaa, ayaa wiilashii mid ka mid ah goor subax ah, ayuu wuxuu aaday/tagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Qaahira, oo ay maalintaas imaneysay Dayuurada Somali Airline, si uu dadka imanaya uga wareysto xaalada dalka ka jirta.

Login Form