{"id":2239,"date":"2023-06-12T08:41:39","date_gmt":"2023-06-12T08:41:39","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=2239"},"modified":"2023-12-26T08:27:59","modified_gmt":"2023-12-26T08:27:59","slug":"waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/2023\/06\/12\/waa-maxay-siyaasaddu-aqoon-ahaan\/","title":{"rendered":"Waa Maxay Siyaasaddu Aqoon Ahaan?"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>Siyaasadu<\/strong> waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: <strong>Siyaasadu<\/strong> waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Siyaasiguna<\/strong> waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi kara weydiimaha la xidhiidha saameynta dawladu ku yeelanayso bulshadeeda iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee xukuumadu yeelan karto.<\/p>\n\n\n\n<p>Qarniyadii u dambeeyay waxa si togan isu soo tarayay horumarka lagu sameynayay cilmigan siyaasada, kaasi oo sare u qaaday xirfadii siyaasiyiinta ee gudashada xilalka siyaasadeed ee ay u hayaan bulshooyinkooda, iyo weliba hanashada bulshada xilliga doorashooyinka, waxaana ka mid ah dhinacyada togan ee soo kordhay ee cilmigan la xidhiidha:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\">\n<li>Ka qaybgalka doodaha la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee ka socda warbaahinta, halkaasi oo siyaasigu ku soo bandhigo heerka xog-ogaalnimadiisa iyo sida wax loo qaban karo, halka bulshaduna ay doodahaasi ka ogaadaan, oo ka qiimeeyaan siyaasiga iyo wacyigiisa siyaasinimo halka uu joogo, taasina waxay go&#8217;aamisaa mustaqbalka siyaasadeed ee siyaasigu leeyahay.<\/li>\n\n\n\n<li>Adeegsiga xisaabta gaar ahaan Statistics ka, taasi oo u fudeydinaysa siyaasiga, inuu kala shaandheeyo, oo ay khaanado ugu kala jiraan arrimaha isku murugsan, ee u baahan in si qoto-dheer loo dhex dhunbado.<\/li>\n<\/ul>\n\n\n\n<h2 class=\"wp-block-heading\">Qaybaha muhiimka ah ee cilmiga siyaasadu ka warramo waxa ka mid ah:<\/h2>\n\n\n\n<p><strong>Power <\/strong>oo noqonaya awooda uu siyaasigu u leeyahay inuu bulshada u jiheeyo halka uu la rabo, taasi oo ku iman karta labadan midood (Inuu <strong>qanciyo <\/strong>bulshada oo iyaga ogol ay u hogaansamaan iyo Inuu <strong>khasbo <\/strong>bulshada oo iyaga oo dirqiyan ay u hogaansamaan)<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Government <\/strong>oo noqonaysa hay&#8217;ada bulshadu ay u hogaansan yihiin ha qanciso ama ha khasabto&#8217;e.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Regime<\/strong> oo noqonaya Xeerarka, Dhaqamada iyo Caadooyinka ay dawladu ku hageyso ama ku hogaamineyso bulshadeeda.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Legitimacy<\/strong> oo noqonaysa adeecida iyo ogolaanshaha bulshadu ogol yihiin go&#8217;aanada ka soo baxa dawlada, dawladi waxa ay legitimate tahay marka bulshada ay hogaaminaysaa raacayaan wadooyinka ay u jeexdo ama aqbalayaan amarada ka soo fula, in dad badani adeeci waayaan dawladu waxa ay halis gelisaa jiritaanka dawladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Authority<\/strong> oo noqonaysa kalsoonida fulineed ee ay dawladi leedahay, ogow mar kasta oo adeecida bulshadu sareyso ama badato, waa mar kasta oo kalsoonida fulineed ee dawladu kor u kacdo, oo ay dawladu kula dhiiran karto bulshadeeda waxyaabo badan in ay ku fuliso ama la hor timaado, waxaasi haba noqdaan kuwo adag ama suuragalnimadoodu shaki leedahay&#8217;e.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Sovereignity <\/strong>oo noqonaysa xaqqa ay dawladi kalsoonideeda fulineed ugu soo bandhigto bulshadeeda iyo dalkeeda, ama madax-banaanida fulineed ee ay dawladi u leedahay dadkeeda iyo dalkeeda, waxa ay dawladi sovereign tahay marka amarkeeda iyo fulinteedu ka shaqeynayaan xuduudaheeda si aan habrasho lahayn, hadii go&#8217;aankii ama fulintii dawladu sii marayo cid kale oo bulshadu uga soo fasax-qaadato adeecideeda ama aqbalaadeeda, ogow dawladaasi ma madax-banaana.<\/p>\n\n\n\n<h2 class=\"wp-block-heading\">Dawladda iyo Jaadadkeeda\/Noocyadeeda<\/h2>\n\n\n\n<p>Si aynu u fahanno ama u baranno jaadadka dawladnimo iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee loo dhiso dawlad, waxa aynu ka soo istaagaynaa laba dhinac:<\/p>\n\n\n\n<ol class=\"wp-block-list\">\n<li>Mar waxa aynu dawladda ka soo eegaynaa inta qof ee leh awoodda fulinneed.<\/li>\n\n\n\n<li>Marna waxa aynu ka eegaynaa awooda ay dawladdu ku fuliso go&#8217;aamadeedu ilaa xad halka ay gaadhsiisan tahay.<\/li>\n<\/ol>\n\n\n\n<p><em>Marka aynu eegno dawladda inta qof ee awooda fulineed leh, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo.<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-table is-style-regular\"><table class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background has-fixed-layout\"><thead><tr><th><strong>Dawlad Nooceedu Yahay:<\/strong><\/th><th><strong>Inta Qof Ee Awood Fulineed Leh<\/strong>:<\/th><th><strong>Dalalka Leh Noocan Dawladeed<\/strong>:<\/th><\/tr><\/thead><tbody><tr><td>Talo-Wadaag (Dimuqraadiyad)<\/td><td>Taladu waa u dhex guud ahaan bulshada, waxaana lagu xakameeyaa xeerar-bulsho, oo iyaguna soo mara wada-tashi bulsho.<\/td><td>Badi dalalka caalamka ayaa qaatay noocan.<\/td><\/tr><tr><td>Boqortooyo<\/td><td>Waxa taliya hal qof, waana boqorka.<\/td><td>Sacuudiga iyo Jordan ayaa u ah tusaale fiican.<\/td><\/tr><tr><td>Kali-Talisnimo<\/td><td>Waxa taliya hal qof, waana ninka u sareeya, kaasi oo badanka xoog iyo af-gembi ku qabsada talada.<\/td><td>Maxamed Siyaad Barre, Sadaam Xuseen, Macamar Qadaafi, IQK&#8230;<\/td><\/tr><tr><td>Saldannad<\/td><td>Waxa taladu gaar u tahay koox ama qoys dhaxal u leh talada.<\/td><td>Madax-dhaqameedka qabaa&#8217;illada<\/td><\/tr><tr><td>Tala-Maroorsi<\/td><td>Waxa taliya koox isku heer ama isku madarasad ah.<\/td><td>Nidaamyada ay dhisaan kooxaha budhcad diimeedka ah.<\/td><\/tr><\/tbody><\/table><\/figure>\n\n\n\n<p><em>Marka aynu ka soo joogsanno ama ka soo eegno dawlada awoodeedda fulineed ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo<\/em><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-table is-style-regular\"><table class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background has-fixed-layout\"><thead><tr><th>Dawlad Nooceedu Yahay:<\/th><th>Awoodeeda Fulintuna Tahay:<\/th><th>Tusaaleyaal Nooca Dawladaasi ah:<\/th><\/tr><\/thead><tbody><tr><td>Totalitarian<\/td><td>Waa dawlad aaminsan in ay maamusho gabi ahaanba nolosha bulshada, taasi oo dhaqdhaqaaq kasta oo qofku sameynayaa uu yahay mid ay dawladu jihaynayso, tasarufka dadka oo ku jaan go&#8217;an inta dawladu ogoshahay.<\/td><td>Waqooyiga Kuuriya, waxa soo raaca nidaamyada macangaga ah, ee talo-maroorsigu u yahay mabda&#8217;a.<\/td><\/tr><tr><td>Constitutional<\/td><td>Waa dawlad maamulkeedu ku eeg yahay inta xeerarkeedu u jideynayo, arrin kasta iyo qayb kasta oo nolosha bulshada ka mid ah oo ay dawladaasi iyo bulshadeedu isla gartaan in xeer loo sameeyo, ayaa ay dawlada awoodeeda fulineed ku joogtaa.<\/td><td>Waxa tusaale u ah wadamada reer galbeedka iyo badi dalalka qaatay Dimuqraadiyada xeerarka ku dabran.<\/td><\/tr><tr><td>Anarchist<\/td><td>Waa dawlad taag daran, oo aan lahayn awood fulineed, taasi oo dadkeeda badankiisu aanay u hogaansanayn.<\/td><td>Noocan dawladnimo waxa adduunka dadyowga ku nooli tusaale u soo qaataan Soomaaliya ama Soomaalida.<\/td><\/tr><\/tbody><\/table><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go&#8217;aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda. Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go&#8217;aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn. Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2254,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,61],"tags":[],"class_list":["post-2239","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qormo","category-siyaasad"],"views":204,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2239"}],"version-history":[{"count":18,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4066,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2239\/revisions\/4066"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2239"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2239"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2239"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}