{"id":1624,"date":"2023-02-02T17:24:19","date_gmt":"2023-02-02T17:24:19","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1624"},"modified":"2023-04-05T16:24:22","modified_gmt":"2023-04-05T16:24:22","slug":"faransiis-ka-iyo-soo-gelitaankiisii-dhulka-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/2023\/02\/02\/faransiis-ka-iyo-soo-gelitaankiisii-dhulka-jabuuti\/","title":{"rendered":"FARANSIIS-KA IYO SOO-GELITAANKIISII DHULKA JABUUTI"},"content":{"rendered":"\n<p>Markii ay saldanadii cadaaladu burburtay, iyada oo ku burburtay gacanta Canfarta, oo weliba xilligaasi ay dumeysay uu hayay amiir Maxamed Jaasa oo ahaa nin canfari ah, waxa ay Canfartu sameysteen dawlad gooni-u-goosad ah, oo ay u bixiyeen Saldanada Danaakil, taasi oo ka talineysay dhulka canfarta, magaalada Casoosa waqooyigeeda ilaa iyo dhulka maanta la yidhaa Ereteriya iyo weliba ilaa iyo waqooyiga Jabuuti.<\/p>\n\n\n\n<p>Sanadkii 1862-kii ayaa uu Faransiisku uu Canfarta ka iibsadey deegaanka Obokh ee waqooyiga Jabuuti maanta ku yaala, waxaanu ka taagay halkaasi calankii faransiiska.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa mar kale Canfartu ay sanadkii 1869-kii ka iibiyeen Talyaaniga magaallo-xeebeedda Casab, heshiiskaasina waxa fudeydiyay baadari fadhiyi jiray dhulka xabashida, kaasi oo la odhan jiray Jusabe Sabeeto, waxaanu talyaanigu ka taagay halkaasi calankiisa, kadibna si aayar aayar ah ayaa uu iskugu fidiyay guud ahaan dhulka maanta la yidhaa Ereteriya, oo uu in muddo ah halkaasi ka arriminayay.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyada oo dhulkii Canfarta ee ay Saldanada Danaakishu ka talinaysay laga qaatay xeebtii oo dhan, oo Faransiis iyo Talyaani ka iibsadeen Canfarta, ayaa waxa sanadkii 1884-kii ka dhacay yurub heshiiskii caanka ahaa ee ay reer yurub ku qaybsadeen afrika, taasina waxa ay keentay in Faransiiskuna isku fidiyo guud ahaan dhulka maanta loo yaqaano Jabuuti, halka Talyaaniguna uu isku fidiyay dhulka loo yaqaano maanta Ereteriya, oo ay magaalada Casab ee uu hore uga iibsaday Danaakisha uu ka dhigtay bar-bilaw.<\/p>\n\n\n\n<p>Sanadku markii uu ahaa 1885-kii ayay Faransiisku la galeen heshiis odeyadii Soomaaliyeed ee Ciisaha, inkasta oo la xusay in aan heshiiskaasi wax dhul iibsi ahi ku jirin, hadana waxa uu heshiiskaasi dhigayay, oo odeyadii Ciisaha hormuudka u ahaa ku saxeexeen, in Faransiisku soo dego dhulka Jabuuti, kadibna waxaa ay u bixiyeen labadii deegaan ee ay Faransiisku ka qaateen Canfarta iyo Ciisaha \u201c<em>Dhulka Faransiiska ee Soomaalidu Degto<\/em>\u201d, laga soo bilaabo xilligaa ay soo degeen dhulkaasi 1862-kii ilaa iyo 1977-kii, Faransiisku dhinac walba way u dhex qaadeen, wax badan oo danahoodu ku jiraanna way ka fushadeen, waxaanay aafeeyen Diintii, Dadkii iyo Deegaankiiba.<\/p>\n\n\n\n<p>Waa kan Cabdalle Xaaji Cusmaan oo ka waramaya xog-ogaalnimadiisa iyo sidii ay Jabuuti ku timid, qoraalkan oo July\/07\/2009 lagu baahiyay shabakada somalitalk.com, waxa uu yidhi:<\/p>\n\n\n<div class=\"wp-block-image\">\n<figure class=\"alignleft size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"275\" height=\"183\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/9.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1634\"\/><figcaption>Cabdalle Xaaji Cusmaan<\/figcaption><\/figure><\/div>\n\n\n<p>1862-kii ayuu gumaysigii Faransiisku ka soo degey oo uu qabsaday xeebta Obokh ee ku taal waqooyiga Jamhuuriyadda Jabuuti, 1885-kiina waxa uu u soo wareegey xeebta magaalada Jabuuti gaar ahaan khooriga la yidhaa Cambaado, Cambaado waa goobtii ay ku kulmeen Faransiiska iyo odayadii Ciisaha ee ay ku kala sexeexdeen heshiiskii u horreeyey, haddaba inkasta oo heshiis dhex maray odayadii Ciisaha iyo Faransiiska haddana waxa jiray dad diiddanaa oo aad uga soo horjeeday in gaaladu cagaha soo dhigaan dhulka.<\/p>\n\n\n\n<p>Raggii diiddanaa gaalka oo ahaa dhallinyaro dagaalyahaanno ah, waxa hoggaamiye u ahaa geesigii Faarax-Xaad, muddo badan ayey Faarax-xaad iyo colkiisu Faransiiska ku horjoogeen xeebta oo aanu meelba u dhaafin, waxaan odhan karnaa halganka gumaysi-diidku markaa buu bilaabmay, sida aan sooyaalka ku hayno, halganka loo soo galay xornimada Jabuuti kolba heer iyo marxalado wejiyo badan leh buu soo maray.<\/p>\n\n\n\n<p>Marka muddo la joogaba waxa abuurmayey ururro gumaysi-diid ah oo ay hoggaaminayaan rag geesiyaal ah, isticmaarkuna goor walba xoog iyo cabudhin buu saari jirey, si uu u demiyo iftiinka gobonnimo-doonka, ilaa ugu dambayntii uu xooggiisii waxba tari waayey, oo shacabkii guulaystay gobannimadiina dhalatay 27-kii Juun 1977-kii.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba maqaalkan maanta waxaan ku soo qaadan, dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii ugu qadhaadhaa ee uu soo jibaaxay halgankii xorriyaddu, taas oo ahayd 1966kii-1967kii, akhristaha maqaalkan waxa hor iman is-weydiin ah, qoruhu muxuu u doortay dhacdadan? Waa su\u2019aal meesha ku habboon, waxaan u doortay waa tii ugu qadhaadhayd, ugu dhib badnayd uguna murugo iyo dhimasho badnayd, xilligaa adag ee aan soo tilmaamnay waxa dadweynaha hoggaan u ahaa xisbigii ama ururkii gobannimo-doonka ahaa ee la odhan jiray (Partie Mouvement populaire) (P.M.P.) Ururka Dhaqdhaqaaqa Shacabka, ururkaa oo la aasaasay wax yar ka dib markii la maqlay geeridii murugada lahayd ee geesigii Maxamuud Xarbi Faarax, xisbiga waxa aasaasay niman dhallinyaro ahaa oo ay buuxisay waddaninnimo, dhalliyaradaa waxa ka mid ahaa:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Cabsiiye Buux Cabdalla<\/li><li>Muuse Axmad Idiris<\/li><li>Cabdiraxmaan Cadhoole<\/li><li>Axmad Faarax<\/li><li>Jaamac Cabdi Bakaal<\/li><li>Ibraahim Axmad Buraale (Shiine)<\/li><li>Idiris Faarax Habbane<\/li><li>Cusmaan Caaggane Casoowe<\/li><li>Rooble Obsiiye<\/li><li>Maxamad Cali Shirdoon<\/li><li>Axmad Cilmi<\/li><li>Iyo qaar kale.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Aasaaska ururka PMP wuxuu kor u soo qaaday niyaddii shacabka gobannimo-doonka, oo geeridii Maxamuud Xarbi kadib hoos u dhacday, xafiiskii u horreeyey ee xisbigu yeesho maalintii la furay, raggii halkaa wilwilaha ku gooyey, ee ka geeraaray waxa ka mid ahaa Jaamac Muuse Miicaad.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Boobileer ninka diidi (Populaire)<\/li><li>Daacad buuna ahaynoo<\/li><li>Dulligii Faransiisiyo<\/li><li>Digool buu la hayaayoo<\/li><li>Inaa doonni la saarayuu<\/li><li>Ka tagaayo dalkeenna<\/li><li>Ninba diir kama saarro oo<\/li><li>Dadaal baan ku jirraaye<\/li><li>Daayimow na gargaar.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Guddoomiyaha xisbiga waxa loo doortay Axmad Faarax Aadan(Daaliye) ku-xigeenkana Cabsiiye Buux Cabdalla, 1961kii waxa uu xisbigu qabanqaabiyey mudaaharaad ballaadhan oo lagala hortagey wasiir ka tirsanaa dawladda Faransiiska oo la odhan jiray Robert Lecourt, oo dalka booqasho ku yimid,&nbsp;mudaaharaadkaa kadib waxa xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii ururka mudane Axmad Faarax (Daaliye) waxana lagu xukumay saddex bilood oo xadhig ah ama inuu cafis dalbado, sidaa daraaddeed cafis buu guddoomiyuhu ka dalbaday maamulkii gumaysiga, ururkiina uu iska casilay.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa markaa guddoomiyihii xisbiga loo doortay Cabsiiye Buux Cabdalla, Cabsiiye nin dhiirran oo aan Gaalka ka gabban buu ahaa, isla markaana daacad u ahaa ururka iyo dadweynaha aaminay labadaba, tiraba saddex jeer buu gumaysigu ku xukumay xadhig, xisbigu waxa kale oo uu taageero ka haystay culimadii dalka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cusmaan Wacays iyo Sheekh Cabdillaahi Boode (Labadaba Allaha u naxariisto).<\/p>\n\n\n\n<p>1963kii doorashadii baarlamaanka gudaha ayaa uu xisbigu guul weyn oo gumaysigii ka yaabisay ka soo hooyey, waxa kale oo xisbigu ku guulaystay mudanihii dalka u geli lahaa baarlamaanka Faransiiska, kaas oo loo doortay Muuse Axmad Idiris, guddoomiyaha ururka waxa markaa ahaa Cabsiiye Buux Cabdalla, xisbi kale ayaa jiray oo la odhan jiray Ururka Dimuqraadiga Cafarta (Partie democrate Afar) (P.D.A.) inkasta oo uu xisbigaasi ka awood yaraa xisbiga kale haddana waxa uu u badheedhay inuu ku dhawaaqo gobannimo ayaan doonaynaa, xisbigaa raggii aasaasay waxa ka mid ahaa:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Orbiso Gadiito Xasan oo guddoomiye ahaa<\/li><li>Axmad Diini Axmad<\/li><li>Maxamad Kaamil<\/li><li>Cabdalla Maxamad Kaamil<\/li><li>Maxamad Axmad Ciisa (Sheekho)<\/li><li>Iyo rag kale.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Hasayeeshee ugu dambayntii labadii xisbi way midoobeen si ay cududda gobannima-doonka u xoogeeyaan, waxayna ku biyo shubteen ururkii P.M.P. Sannadkii 1964kii waxa la qabtay Sheekh Cabdillaahi Boode oo isagu goor walba xisbiga u soo ururin jiray dhaqaale uu ku meel maro, Sheekh Cabdillaahi waxa laga soo qabtay magaalada Dikhil isagoo maalintaa wada adhi fara badan oo uu ka soo ururiyey dhulka miyiga &nbsp;ee galbeed kaga toosan Dikhil, maxkamad ayaa la geeyey waxana lagu xukumay siddeed sannadood iyo siddeed bilood oo xadhig ah, bishii Juun 6dii 1966-kii waxa shirqool gumaysigu soo abaabulay lagu dilay Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Wacays oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka islamarkaana iimaam ka ahaa masjidka Sheekh Cabdulqaadir, ee ku yaal xaafadda afraad ee magaalo-madaxda Jabuuti.<\/p>\n\n\n\n<p>Sheekhu waxa uu safka hore kaga jiray la dagaallanka gumaysiga iyo isagoo caan ku ahaa khudbadaha Jimcaha oo uu ku soo qaadi jiray dhibta iyo kadeedka uu gumaysigu ku hayey dadweynaha, wuxuna dadweynaha goor kasta ku guubaabin jiray inay heeryada gumaysiga iska dul qaadaan, dilka Sheekhu waxay dadweynihii iyo xisbigiiba ku noqotay naxdin iyo walbahaar iyadoo awal horena la ogaa dilkii uu isticmaarku u geystay geesigii Maxamuud Xarbi 1960kii, iyadoo arrini halkaa marayso oo daweynihii ciil iyo cadho buuxiyeen, ayaa madaxdii xisbiga P.M.P waxay ogaadeen laba bilood ka dib in uu dalka booqasho ku iman doono madaxweynihii Faransiiska ee xilligaa Jeneraal Digool, madaxwenaha Faransiisku inta aanu iman Jabuuti wuxu soo marayey dalka Itoobiya oo uu Xayle Salaase marka boqor ka ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba ururkii P.M.P. iyo Jabhaddii Xoreynta Xeebta Soomaalida (Front Liberation de la Cote Fran\u00e7aise de Somalie) (F.L.C.S.) ee xarunteedu ahayd Muqdisho, waxay galeen abaabul weyn oo lagu kicinayo dadweynaha si markuu Digool yimaaddo loogu mudaaharaado oo adduunweynaha loo tuso in dadka reer Jabuuti doonayaan madax-bannaanidooda, madax ka kala socotay Jabhadda F.L.C.S.iyo P.M.P. ayaa waxay ku heshiiyeen in abaabulka loo wado si qarsoodi ah, kadibna madaxdii Jabhaddu waxay qoreen warqad xambaarsan farriin culus oo ku socota dadweynaha reer Jabuuti.<\/p>\n\n\n\n<p>Warqaddaas waxa loogu tala galay inay dhiigga dadka dhaqaajiso, ereyadii ku qornaa waxa ka mid ahaa <em>\u201c\u2026Dadka reer Jabuutow, madaxweynihii Faransiiska Digool ayaa Jabuuti ku soo beegan 25ka bisha Aout 1966ka, inta anu Jabuuti iman waxa uu soo marayaa dalka Itoobiya, Dadka reer Jabuutow aayihii dalkiina halkaa baa lagaga xaajoonayaa, sidaa daraaddeed waa inaad hurdada ka kacdaan, oo aad muddaaharaddo dhigtaan markuu Digool dalka yimaaddo, si aad adduunweynaha ugu muujisaan inaad doonaysaan xornimadiina\u2026\u201d<\/em><\/p>\n\n\n\n<p>Xaashidii farriintaa xambaarsanayd intoo la badiyey ayaa maalmo ka hor intii aanu Digool magaalada iman, meelo badan lagu daadiyey, ururkii P.M.P. isaguna abaabul xoog leh oo nidaamsan ayuu gudaha ka galay, xaafad kasta rag baa loo qaybiyey inay dadka kiciyaan oo qoraan boodhadh muujinaya waxa ay doonayaan oo ah madaxbannaani buuxda, dhinaca kale maamulkii gudaha ee uu dhisay gumaysigu, ee uu madaxda ka ahaa dabadhilifkii Cali Caarif Burhaan iyagu abaabulkaa socday way ka dhega xidhnaayeen, waxayna isku diyaarinayeen inay soo dhaweeyaan Digool, oo ay tusaan sida ay u jecelyihiin gumaysiga, iyagoo ka been sheegaya shacabka, danahooda gaarka ahna wata.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba maxaa dhacay maalintaa markuu Digool yimid Jabuuti? Maalintaa oo ku beegnayd 25kii Aout 1966kii intii aanu Digool soo caga dhigan, waxa waddadii uu soo marayey oo ah ta xidhiidhisa gegida diyaaradaha iyo badhtamaha magaalada isa soo tubay, oo buux dhaafiyey dadweynihii oo aan u kala hadhin maalintaa, dhallinyaro, odayo, haween iyo carruur intaba. nidaamka iyo nabadgelyada waxa maalinta dusha ka ilaalinayey dhalliyaradii hoggaaminaysay ururkii P.M.P, dadweynihii maalintaa soo buuxiyey waddooyinka wax haba yaraatee boodhadh ah oo ay siteen kama muuqan, waayo ballanta ayaa ahayd in la qarsado oo hoosta lagu qarsado, marka uu Digool soo dhawaadana mar qudha lala soo wada baxo.<\/p>\n\n\n\n<p>Sirtaa iyo nidaamkaa ay dadweynaha iyo xisbigu ku dhaqmeen baa u suurta gelin weyday ciidamadii Faransiiska ee gaafwareegayey maalintaa inay wax ogaadaan oo ay war helaan, goor galab ah ayuu Digool ka soo baxay gegida diyaaraduhu soo caga dhigtaan, isaga oo lagu sido gaadhi ballaadhan, dadweynihii oo waddadii uu marayey buux dhaafiyey ayaa mar qudha la soo baxay boodhadhkii ay hoosta ku siteen, boodhadhkaas oo ay ku qornaayeen (INDEPENDANT) gobannimo.<\/p>\n\n\n\n<p>Intaa waxa ka darnaa dhawaaqii ay daweynuhu ku dhawaaqayeen gobannimo oo dhulka kaga gariirsiiyey, meelo ka mid ah badhtamaha magaalada ayuu maamulkii gudaha ee gumaysiga dabadhilifka u ahaa ku ururiyeen, dad yar oo ay u dhiibeen boodhadh ay ku qoreen soo dhaweynta Digool iyo Faransiis baan rabnaa, hasayeeshee ururkii P.M.P ee gobannimo-doonka ayaa kuwaana ku dhex darsaday, dhallinyaro hoosta ku wadata boodhadh ay ku xardhan yihiin GOBANNIMO AYAAN RABNAA, markii uu soo dhawaaday Digool ayaa ay dhallinyaradiina hawshoodii qabsadeen, oo ay la soo baxeen boodhadhkii oo ay ku qoran yihiin GOBANNIMO, GOBANNIMO.<\/p>\n\n\n\n<p>Maalintaa waxa indhihii Digool loo diiday inay arkaan ama ay qabtaan qoraal aan ahayn GOBANNIMO BUUXDA AYAAN RABNAA, dhegihiisiina waxa asqeeyey oo buuxiyey dhawaaqii dadweynaha oo qiiraysan, galabtaa waxay shacabku adduunweynaha tuseen siday u doonayaan madax banaanidooda, dawladda Faransiiskana way ku beeniyeen wixii ay caalamka muddo badan u sheegi jirtay, socdaalkii Digool waxa uu ku bilawday guuldarro dhiniciisa ah iyo guul dhinaca dadweynaha ah, dadweynuhu ereyadii maalintaa ay ku hadaaqayeen waxa ka mid ahaa:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Digoolow is darmuushtaye<\/li><li>Diifta maanta ku gaadhay<\/li><li>Dambigaagi miyaa<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Maalintii labaad ee bishu ahayd 26kii Aout 1966kii, galabnimadii waxa la qoorsheeyey in generaal Digool ka khudbeeyo fagaare ku yaal Baarlamaanka Jabuuti hortiisa, dadweynihii madaxbannaanidooda u harraadanaa ayaa duhurnimadiiba soo buux dhaafiyey fagaarihii, iyaga oo sita boodhadh lagu xardhay ereyo ay ka xanaaqeen maamulkii iyo ciidamadii Faransiisku, intii aanu Digool iman goobtii ayaa ay ciidamadiisii rasaas oodda kaga qaadeen, shacabkii sida nabadda ah ku doonayey aaya-ka-talintooda.<\/p>\n\n\n\n<p>Maalintaa dad door ah ayaa halkaa ku dhintay, boqollaal kalena way ku dhaawacmeen, qaar kale oo badanna xabsiyadaa laga buuxiyey. goobtaa sawirradii laga qaaday marka aad aragto ayaad garan dhiillada ay maalintaa gaysteen ciidamadii Faransiisku, saacado yar kadib ayuu Digool goobtii yimid oo uu salaan kaga qaatay ciidamadiisii,&nbsp;isla markaana ka dul khudbeeyey dhaawicii iyo kabihii ay halkaa dadku kaga tageen, maalintaa hadalladii uu Digool halkaa ka jeediyey waxa ka mid ahaa <em>\u201cMaryo cadcad oo ereyo lagu xardhay gobonnimo laguma helo\u2026\u201d<\/em><\/p>\n\n\n\n<p>Dabadeed habeennimadiiba dalka wuu ka ambabaxay, maalin saddexaadkii iyo wixii ka dambeeyey halkii bay ka sii socdeen mudaaharaaddadii lagu doonayey xornimada, si uu isku hortaago kacdoonka weli socda cadaadiskii buu ku sii kordhiyey shacabka, dabadeed waxa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah xubnihii xisbiga P.M.P oo ay ka mid ahaayeen guddoommiyihii ururka Cabsiiye Buux, Cadiraxmaan Cadhoole iyo Idiris Cumar Geelle, cadaadiskii iyo xadhiggii madaxdu marnaba ma hakin kacdoonkii balse wuxu noqday shiidaal sii huriya dhaqdhaqaaqii xornima-doonka, ilaa aakhirkii lagu dirqiyey gumaysigii Faransiiska inuu yidhaa afti baan dadka ka qaadi bisha Mars 19-keeda 1967-ka.<\/p>\n\n\n\n<p>Badhtamihii bishii Sebtambar 1966-kii ayaa uu gumaysigu bilaabay inuu magaalo-madaxda Jabuuti ku xidho oo uu ku wareejiyo silig amma xadhig-xayir, siliggaa uu magaalada ku xidhay koronto ayuu lahaa, isla markaana miino ayaa uu ku wareejiyey si aanu qofba u soo haweysan, waxa kale oo siligga hareerihiisa ka dhisnaa meelo badan oo askarta ilaaladu fuulaan, si ay sheedda wax uga arkaan, laba irridood oo magaalada laga galo lagana baxo ayuu u sameeyey, labadaas meelood oo kala ahaa Nagaadh, oo ah halka tareenku ka soo galo iyo waddada Carta, halka ku began xerada ciidammada ee Sheekh Cusmaan irriddeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Labadaa meelood ee laga soo galayo, baadhitaanno xoog leh ayaa dadka lagu samayn jiray, ciddii waraaqo aqoonsi leh oo keli ah umbaa halkaa mari jirtay, dhismaha siliggaa oo dherarsanaa min badda Doorale(Dhinaca galbeed) ilaa badda Haramuus (dhinaca bari), waxa hawshiisu ku dhammaatay hal toddobaad oo keli ah, siliggaasi waxa uu magaalada ku meersanaa tan iyo markii uu dalku xornimadiisa qaatay 27-kii bishii Juun 1977-kii, markii uu hubsaday inuu dalkii kala xidhay ayuu bilaabay raaf aan kala go\u2019 lahayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Raafka, xadhigga iyo cadaadisku waxay haysteen oo keli ku ahaa dadka Soomaalida ah, taasi waxay dhalisay in xukuumaddii gudaha raggii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa is wada casilaan, oo ay xukuumadda ka baxaan bishii Janaweri 1967kii, waxaanu gumaysigu magaalada ku soo rogey bandoo laga bilaabo 6-da fiidnimo.<\/p>\n\n\n\n<p>Guuldarradii ay ku dhammaatay booqashadii Digool, mudaaharaaddadii oo istaagi waayey iyo raggii Soomaalida ee xukuumadda ku jiray oo is casilay, intaas oo dhan canaanteedii waxay dawladdii Faransiis dusha u saartay ninkii waaliga amma badhasaabka u ahaa dawladda oo magaciisa la odhan jirey Louis Saget, bishii Oktoobar 1966kii dabadhilikii Cali Caarif Burhaan ayaa jagadii madaxnimada maamulka gudaha, ee marka horeba gumaysigu u dhiibay laga xayuubiyey, waxa lagu beddelay nin mucaaradka ka tirsanaa oo la odhan jirey Maxamad Kaamil Maxamad oo isna Canfar ahaa kana tirsanaa siyaasiyiintii gobannimo doonka, hasayeeshee xilligaa wixii ka dambeeyey ku ballan furay shacabka.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba hadalkii ka soo yeedhay dawladda Faransiiska ee sheegayey in ay afti qaadayso, markii uu soo gaadhay dhegaha dadweynaha, iyaga oo haba yaraate aan ka baqan siligga dalka lagu kala xidhay&nbsp;iyo cadaadiskii lagu hayey, ayey tabaabushe iyo diyaargarow ballaadhan u galeen sidii guul kama dambays ah looga soo hoyn lahaa aftida dhacaysa bisha Mars 19-keeda 1967-ka.<\/p>\n\n\n\n<p>Abaabulkii, diyaargarowgii dadweynaha iyo ololahaha nidaamsan ee lagu jiro markii uu ogaaday ayaa uu gumaysigii Faransiiku bilaabay in uu dadka waddaniyiinta waraaqahoodii aqoonsiga jeexjeexo.<\/p>\n\n\n\n<p>Bishii Mars 10-keedii ayuu xaafadaha magaalada ku kala qoqobay silig isagoo wata ciidammadiisii faraha badnaa iyo hub culus, dabadeed magaaladii ayuu aqal aqal u baadhay, saacado kadibna rag iyo dumar wixii guryaha joogay buu soo dareeriyay, isaga oo soo tubay bannaankii la odhan jiray Milixda (waa halka imika ay ku taal xaafadda Angeela).<\/p>\n\n\n\n<p>Dadkii uu maalintaa gumaysigu halkaa ku soo ururiyey waxa lagu qaddaray 45000 oo qof, shaqaalihii dekedda Jabuuti intii Soomaali ahayd oo xamaaliin u badnayd iyagana shaqooyinkii dibaddaa laga dhigay, xammaaliintii waxa lagu baddalay dad Cafar ah, oo intooda badan Itoobiya laga soo ururiyey, dadkii uu maalintaa soo tubay milixda qaar badan oo ka mid ah ayaa uu ka tallaabiyey Lawyacaddo, dadkaas oo tiradoodu gaadhayso 6305 qof, dhinaca Itoobiyana 3000 oo qof ayaa uu u masaafuriyey, kadib markii ay diidday dawladdii Soomaaliya dadka dhulkooda laga soo mastaafurinaayo, bishii Maarso 16-keediina silig kale ayuu magaalada dhexdeeda ku kala qoqobay, si aanay xaafadna xaafad ugu gudbin.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyada oo xaalku halkaa marayo ayaa la gaadhay Marso 19-keedii oo ahayd maalintii uu aftida qaadayey, dadweynihii dhibaato iyo cagajuglayn kastaa ha soo gaadhee, iyaga oo dhiirran bay codadkoodii si nabad ah ku dhiibteen, maalintaa la codaynayey waxa la isku guubaabinayey (<em>Qofka maanta codayn waayaa, waa qof rasaas cadawga dili lahayd la baaqday<\/em>) waxa kale oo maalintaa la isku guubaabinayey heeso iyo gabayo waddani ahaa, oo ka soo burqanayey Raadiyo Muqdisho iyo Radiyo Hargeysa, heesaha maalintaa dhegaha dadweynaha ka dhex guuxayey waxa ka mid ahayd, (<em>Jabuutaay iska jir<\/em>) oo uu laha Cabdi Muxumad Aamiin<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Gumaysi inuu jarmaadiyo<\/li><li>Inuu gurigiinna joogo<\/li><li>Afkii Janaraal Digool baa<\/li><li>Dardaaran idiinku jeedshee<\/li><li>Iska jir cadawga kula jecel<\/li><li>Inaad jabto oodan joogsan<\/li><li>Hooy Jabuutaay<\/li><li>Jannada inaad doorataan<\/li><li>Iyo inaad Jahanamo galaysaan<\/li><li>Julaay iyo Juun dhexdoodaa<\/li><li>Jawaab la idinka sugayaa<\/li><li>Iska jir cadawga kula jecel<\/li><li>Inaad jabto oodan joogsan<\/li><li>Hooy Jabuutaa<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Maalintaa la codaynayey darbiyada magaalada oo dhan waxa ku qornaa, oo ay indhuhu qabanayeen (NON) iyo ereyo kale oo lagu muujinayey sida weyn ee loo diiddan yahay gumaysiga Faransiiska, dadweynuhu maalintaa waxay soo wada jeeni-qaarteen qaarna madaxa ku soo xidheen maryo ay ku qoran yihiin NON, oo ka dhigan (<em>MAYA GUMAYSI<\/em>), maalintii marku gabbalku dumay dadweynihii waxay ku xeroodeen guryahoodii, natiijada aftida waxay kala socdeen raadiyowga, dawladda Faransiiska marka aad u fiirsato ficilladii cadaadiska ahaa, raafkii iyo siliggii ay magaalada ku giijisay, waxa kuu soo muuqanayey sida aanay diyaar ugu ahayn inay dalka xornimo siiso, natiijadii aftidii ay qaaddayna waxay ku sheegtay in dadka reer Jabuuti doorteen gumaysi.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full is-resized\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/non.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1633\" width=\"476\" height=\"311\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/non.jpg 570w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/non-300x196.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/non-535x349.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 476px) 100vw, 476px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Tiradii natiijadii uu habeenkaa gumaysiga Faransiisku soo saaray waxay ahayd in boqolkiiba 60\/60 ay doorteen Faransiiska oo la sii jooga, boqolkiiba 39\/40 na ay doorteen gobannimo, dadkii xornima-doonku markii ay maqleen natiijadaa uu ku dhawaaqay Faransiiku aad bay uga xumaadeen ugana niyad jabeen, abwaankii Ibraahim Garabyare (<em>Allaha u naxariisto<\/em>) oo maalitaa goobjoog ahaa oo la waraystay ayaa maansadan ku jawaabay, wuxuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Ayaantii axaddii<\/li><li>Isniintii ka dambaysay<\/li><li>Arrinkaannu sugaynee<\/li><li>Ishtihaadka u yeellay<\/li><li>Isagoon xaqa eegin<\/li><li>Aayar buu iska qaatay!<\/li><li>Amankaag iyo yaabiyo<\/li><li>Irkig baannu ka qaadnoo<\/li><li>Intaan ifka joogo<\/li><li>Ma illoobi karaayee<\/li><li>Iga daa, iga daa<\/li><li>Adeerow iga daa<\/li><li>Adu maanad ogeyne<\/li><li>Arrinkaa iga daa<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Haddaba aroornimadii maxaa dhacay?<\/p>\n\n\n\n<p>Aroornimadii 20kii Mars 1967-kii oo ahayd maalin ciid-carafo ah, dadweynihii oo ka dhirifsan xaqoodii la duudsiyey, ayaa waddooyinka u soo baxay, oo mudaaharaaddo waaweyn sameeyey, ciidammadii gumaysiga oo markaaba heegan ahaa ayaa xaafadihii magaalada lagu soo daayey, dadweynihii oo dhagxaan, quraarado iyo budad wataa waddooyinkii oo dhanna shaagag iyo xashiish bay ku gubeen, ciidammadii Faransiiska oo hubkoodu u dhan yahay ayaa ay foodda is dareen, maalintii oo dhan dagaal baa socday magaalada dhexdeeda la isku baacsanayey, askartii gaaladu waddadii ay soo maraanba dhagax iyo quraarado shiidaal laga soo buuxiyey oo ololaya ayaa lagala hor yimid, iyaguna rasaas bay ku jawaabayeen.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-default is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"640\" height=\"445\" data-id=\"1629\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1629\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z.jpg 640w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-300x209.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-535x372.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"840\" height=\"440\" data-id=\"1631\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/19-mars-1967-emeutes-djib2.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1631\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/19-mars-1967-emeutes-djib2.jpg 840w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/19-mars-1967-emeutes-djib2-300x157.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/19-mars-1967-emeutes-djib2-768x402.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/19-mars-1967-emeutes-djib2-535x280.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 840px) 100vw, 840px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"640\" height=\"445\" data-id=\"1630\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-1.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1630\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-1.jpg 640w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-1-300x209.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/479748548_a6e34c0ecb_z-1-535x372.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"999\" height=\"659\" data-id=\"1632\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/A-demonstration-in-Djibouti-Africa-1967-352022097779.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1632\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/A-demonstration-in-Djibouti-Africa-1967-352022097779.jpg 999w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/A-demonstration-in-Djibouti-Africa-1967-352022097779-300x198.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/A-demonstration-in-Djibouti-Africa-1967-352022097779-768x507.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/A-demonstration-in-Djibouti-Africa-1967-352022097779-535x353.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 999px) 100vw, 999px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-video\"><video controls src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/mudahaaraadkii-jabuuti-1967.mp4\"><\/video><\/figure>\n\n\n\n<p>Maalintii labaad aroornimadii markii la soo toosay, waxa la arkay xaafadihii magaalada oo silig ama xadhig-xayir lagu kala qoqobay, si aanay xaafadba xaafad ugu tallaabin iyo askar meel walba taagan, guryihii baa baadhis xoog leh lagu bilaabay, shacabkiina raaf aan loo aabbo yeelin baa lagu qaaday, dadka intii la raafay qaar xabsiyadaa lagu xidhay, intii badnayd oo kumanyaal ahna waxa lagu ururiyey xero bannaan, oo bacad ah, oo aan lahayn meel ama geed la hadhsado oo ciidammadu lahaayeen, xeradaa oo shacabku u yaqaan Buduriyeel (Poudri\u00e8re), xerada waxa ku meersanaa siligyo waaweyn oo haddii aad taabato ku heeraya.<\/p>\n\n\n\n<p>Goobtaasi waxay ahayd meel loogu talo galay in dadka lagu ciqaabo, kulaylkii aan gabbaadka lahayn, harraadkii iyo rafaadkii awgood boqollaal qof ayaa halkaa ku qudh baxay, waxa kale oo dad badan u dhinteen calool xanuun ay ka qaadeen bariis iyo saliid aan wanaagsanayn oo cunto ahaan loo siinayey muddadii 32ka maalmood ahayd ee ay halkaa ku xabbisnaayeen, intaas oo dhan waxa ka darnaa, dad silicii meesha ku haystay u adkaysan kari waayey oo damcay inay fakadaan, dabadeedna rasaas la huwiyey, oo halkaa ku dhintay, kuwaas oo maydkoodii siligga lagu wadhay si inta kale ugu quus qaadato.<\/p>\n\n\n\n<p>Gabayaagii Xaashi Cabdillaahi waakii lahaa.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Xamastii yaryarayd<\/li><li>Gabdhihii xamranaa<\/li><li>Odayaashi xaroobay<\/li><li>Buduriyeelka ku xereeyoo<\/li><li>Xayni yaanay ka cayman<\/li><li>Dhammaantoodba u xiira<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Dadka intii ka badbaaday saxariirkii goobtaa ku heshay baabuur baa lagu guray, waxa loo masaafuriyey oo lagu daadiyey meesha la yidhaa Geesdiir, oo ah meesha ay ku kulmaan xuduudda qaybisa Jabuuti, Somaliland iyo dhulka Soomaali Galbeed, isla maalmahaa gumaysigu waxa uu xabsiga ku dhex dilay geesigii Cabdiraxmaan Cadhoole oo ka mid ahaa madaxdii ururka gobonnimo-doonka ee P.M.P Cadiraxmaan Cadhoole si fool xun oo naxariis darro ah ayey u dileen askartii Faransiisku, taas oo dadweynihii aad iyo aad uga tiiraanyoodeen, xisbigii P.M.P. albaabada ayuu gumaysigu u &nbsp;laabay oo waa la mamnuucay.<\/p>\n\n\n\n<p>Xilligaa wixii ka dambeeyey dawladdii Faransiisku waxay bilawday inay isku daydo, inay tirtirto dadka Soomaalida ee reer Jabuuti iyo magaca Soomaali la yidhaa intaba, 3-dii bishii Juulaay 1967-kii, waxa baarlamaanka dalka Faransiisku meel mariyey qodob xeer oo tirsigiisu yahay 67-521, qodobkaa oo sheegayey in dalka laga beddelo magacii uu weligiiba lahaa (<em>Cote Fran\u00e7aise de Somalie<\/em>) xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumaysto laguna beddelo (<em>Teritoire Fran\u00e7aise des Afars et des Issas<\/em>) Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Bishii Julaay 7-dii 1967-kii, waxa xukunkii gudaha lagu soo celiyey oo madax laga dhigay daba-dhilifkii Cali Caarif Burhaan, oo weliba awood dheeraad ah la siiyey, gumaysiga iyo daba-dhilifyadiisu waxay dardar geliyeen sidii loo yarayn lahaa tirada dadka Soomaalida reer Jabuuti ah, korna loogu qaadi lahaa tirada Cafarta, intaa waxa dheeraa iyada oo meel kasta oo magaca Soomaali ku qoran yahay laga tirtiray, xitaa Raadiyo Jabuuti waxa lagu amray in laantii af Soomaaliga laga beddelo, oo loogu yeedho laanta afka Ciisaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba kacdoonkii bilaabmay 25-kii bishii Aout 1966-kii, xooggaa iyo cabudhintaa aan naxariista lahayn ayuu gumaysigu dul dhigay, oo uu ku demiyey, iyada oo weli dhamacdii sare hoosta ka nooshahay, soona huri doonto, ugu dambayn aan ku soo gabagabeeyo maqaalkaygan gabaygii Cabdillaahi Dhoodaan ee ahaa.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Samaatadana kii raadiyee, sabanna gaajooda<\/li><li>Safrad iyo baqooliyo lugiyo, suudi iyo guure<\/li><li>Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba<\/li><li>Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba<\/li><li>Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba<\/li><li>Ama ay salaadida martoo, samada aaddaaba<\/li><li>Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba<\/li><li>Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey<\/li><li>Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p>Hadaba taariikhdu markii ay aheyd 1967-kii ayaa Faransiisku waxaa ay magacii u bedeleen <em>Dhulka Faransiisku leeyahay, ee ay degaan Canfarta iyo Ciisuhu, <\/em>&nbsp;tan iyo xilligaasi uu Faransiisku yimid Jabuuti, waxa jiray halganno lagaga soo horjeedo joogitaanka Faransiiska, halgannadaasi waxa hormuud u ahaa dadkii soomaaliyeed ee aan ku qanacsaneyn, ugu dambeynna sanadku markii uu ahaa June\/27\/1977-kii ayaa ay Faransiisku siiyeen reer Jabuuti madax-banaani, waxaanay ka dhigeen dal gaar ah, oo ay ugu magac dareen magaalada Jabuuti oo caasimad u ah, se ilaa iyo imika Jabuuti xor maaha, maxaa yeelay; waxa weli ku yaala saldhigyo ay joogaan guutooyin aad u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Faransiiska iyo Maraykanka, kuwaasi oo ay adag tahay siday uga baxaan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery has-nested-images columns-default is-cropped wp-block-gallery-2 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\">\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"640\" height=\"480\" data-id=\"1625\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/5.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1625\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/5.jpg 640w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/5-300x225.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/5-535x401.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"586\" height=\"429\" data-id=\"1626\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/6.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1626\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/6.jpg 586w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/6-300x220.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/6-535x392.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 586px) 100vw, 586px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"657\" height=\"440\" data-id=\"1628\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/7.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1628\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/7.jpg 657w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/7-300x201.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/7-535x358.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 657px) 100vw, 657px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"594\" height=\"396\" data-id=\"1627\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/8.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1627\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/8.jpg 594w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/8-300x200.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/8-535x357.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 594px) 100vw, 594px\" \/><\/figure>\n<\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Markii ay saldanadii cadaaladu burburtay, iyada oo ku burburtay gacanta Canfarta, oo weliba xilligaasi ay dumeysay uu hayay amiir Maxamed Jaasa oo ahaa nin canfari ah, waxa ay Canfartu sameysteen dawlad gooni-u-goosad ah, oo ay u bixiyeen Saldanada Danaakil, taasi oo ka talineysay dhulka canfarta, magaalada Casoosa waqooyigeeda ilaa iyo dhulka maanta la yidhaa Ereteriya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1635,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[67,65],"tags":[],"class_list":["post-1624","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-xogtii_geeska2","category-xogtii_geeska"],"views":30,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1624","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1624"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1624\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2179,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1624\/revisions\/2179"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1635"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1624"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1624"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1624"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}