{"id":1237,"date":"2023-03-01T07:56:29","date_gmt":"2023-03-01T07:56:29","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1237"},"modified":"2023-03-20T12:00:18","modified_gmt":"2023-03-20T12:00:18","slug":"hijradii-xaqa-ahayd","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/2023\/03\/01\/hijradii-xaqa-ahayd\/","title":{"rendered":"Hijradii Xaqa Ahayd"},"content":{"rendered":"\n<div class=\"wp-block-media-text alignwide is-stacked-on-mobile is-vertically-aligned-top\"><figure class=\"wp-block-media-text__media\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"640\" height=\"944\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib1-1.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1240 size-full\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib1-1.jpg 640w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib1-1-203x300.jpg 203w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib1-1-535x789.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/figure><div class=\"wp-block-media-text__content\">\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Nabadda iyo Kala Dambeynta,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Marka lagu akeekimo, Marka lagu ormeeyee,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Falan lagu af-duubee, Marba eelku gororee,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Hirashadu asqowdee, Ulashadu hungowdee,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Asalkeedu guuree, Ambisadu xidhxidhatee,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Babbisadu ku orisee, Is-ahaanta kelinnimo,<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Dadka wada amaantee, Odeygedu waashee,<\/em> <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Ina-belo ka taliyee, <\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Lagu amarro-qooqee, <\/em>&nbsp; <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>La Illaahyo sheegtee, <\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>La awoodo-beenshee, <\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Lays wada bireeyo,&nbsp;<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><em>Adiguba caqli baad leedahaye,<\/em> <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\"><strong><em>Carar maxaa dhaama<\/em><\/strong><\/p>\n<\/div><\/div>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Markii ay noloshii adkaatay xumaantii iyo xadgudubyadiina bateen, wax-ka-qabashadoodiina yaraatay, waxa dadka in badan oo ka mid ahi u diyaar garoobeen, in ay iskaga qaxaan dalka, oo ay nolol ka raadsadaan caalamka kale.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko:<\/strong>  <em>Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka qaybgalay xaflad, markii la wada diyaariyay qalabkii ay ku hadlayeen madaxdu, sida; makarafoonadii iyo sameecadihiiba, sidii loo sugayay madaxdii khudbadeynaysay, waxa dadkii ka soo dhex baxay nin da\u2019diisa aan ku qiyaasi karo 35-jir ilaa 45-jir, inta uu iska soo socday, ayaa uu hor istaagay Makarafoon lagu diyaariyay banaanka, oo loogu talagalay in ay ku hadlaan kooxaha suugaanta iyo madadaaladu, ninkii inta uu makarafoonkii qabsaday, ayaa uu yidhi: \u201cAniga oo ah Hebel\u2026 Hebel\u2026 waan ka baxay Diintii Islaamka(\u0646\u0639\u0648\u062f \u0628\u0644\u0644\u0647)&#8230;\u201d kadibna qoladii hawsha kala waday ee borotokoolka qaabilsaneyd ayaa ku soo cararay, sidii nin waalan oo kale ayaa ay ula dhaqmeen, oo inta ay dib u kala tuureen, ayaa ay askarta u dhiibeen, askartiina in woxogaa ah markii ay jiid-jiideen, waxa ay ku soo dhex celiyeen dadka dhexdoodii, kadibna isaga oo aad u cadheysan ayaa uu dadka iska dhex joogay, wixii uu yidhi ninkaasi lamaba sii weyneynin, waayo hawsha la waday ayaa cusleyd, oo rabshaddo ayaa laga sii baqayay.<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko:<\/strong> <em>Wuxu yidhi: wuxuu ahaa miskiin af-gaaban, oo aan cidna dhib u lahayn, waxa u tashaday laba shaydaan, markii ay ogaadeen in uu miskiin yahay, shirqool ayaa ay u soo dageen, hanti uu laha ayay ku qabsadeen, waliba waxay ku yidhaahdeen inagee maxkamada-na, labadan shaydaan waa af-miishaaro, oo waa niman hadal-yaqaan ah, ninkii miskiinka ahaa markii ay dhinac kasta kaga yimaadeen, oo ay arrinkii ku soo oodeen, isna hadalkiiba isugu beegmi waayay, oo uu gama\u2019a-gama\u2019a leeyay, gartayna in nimankaa khiyaamadoodii ay u shaqaysay, oo ay sida kaga qaadayaan hantidiisa, wuxu yidhi: \u201cIllaahayna waxaan ku nacay Aamusnaanta!\u201d waa hadal la moodi karo in uu ninkaasi gaal noqday, laakiin waxa muuqata in uu Alle-Yaqaan ahaa, oo uu Illaahay Weynaa Oo Wanaaganaaye ku kalsoonaa awoodiisa iyo  sida adag ee uu u qabto Illaahay daalimiinta.<\/em> <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"> \u0645\u064e\u0646 \u0643\u064e\u0627\u0646\u064e \u064a\u064e\u0638\u064f\u0646\u064f\u0651 \u0623\u064e\u0646 \u0644\u064e\u0651\u0646 \u064a\u064e\u0646\u0635\u064f\u0631\u064e\u0647\u064f \u0627\u0644\u0644\u064e\u0651\u0647\u064f \u0641\u0650\u064a \u0627\u0644\u062f\u064f\u0651\u0646\u0652\u064a\u064e\u0627 \u0648\u064e\u0627\u0644\u0652\u0622\u062e\u0650\u0631\u064e\u0629\u0650 \u0641\u064e\u0644\u0652\u064a\u064e\u0645\u0652\u062f\u064f\u062f\u0652 \u0628\u0650\u0633\u064e\u0628\u064e\u0628\u064d \u0625\u0650\u0644\u064e\u0649 \u0627\u0644\u0633\u064e\u0651\u0645\u064e\u0627\u0621\u0650 \u062b\u064f\u0645\u064e\u0651 \u0644\u0652\u064a\u064e\u0642\u0652\u0637\u064e\u0639\u0652 \u0641\u064e\u0644\u0652\u064a\u064e\u0646\u0638\u064f\u0631\u0652 \u0647\u064e\u0644\u0652 \u064a\u064f\u0630\u0652\u0647\u0650\u0628\u064e\u0646\u0651\u064e \u0643\u064e\u064a\u0652\u062f\u064f\u0647\u064f \u0645\u064e\u0627 \u064a\u064e\u063a\u0650\u064a\u0638\u064f<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxyaabaha keenay in dad badani ay go\u2019aansadaan hijradaasi,&nbsp; waxa ugu waaweyn, oo aan ka xusi karaa:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Qaabdhismeedkii dalka oo noqday Daalim-Koriye iyo magaalooyinkii oo iyaguna noqday Xerooyin-Xaasid.<\/li><li>Nolol xumo ka timid; hayntii oo yaraatay iyo deegaankii oo laga waayay tabantaabo.<\/li><li>Garsoor-xumo iyo Nabadgelyo-xumo.<\/li><li>Xadgudubyo qorsheysan oo la huwiyay magacyada qabiillada, maamullada iyo aqoonta.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-1 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:100%\">\n<div class=\"wp-block-cover\"><span aria-hidden=\"true\" class=\"wp-block-cover__background has-background-dim\"><\/span><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"777\" height=\"437\" class=\"wp-block-cover__image-background wp-image-1262\" alt=\"\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Darbijiif-777x437-1.jpg\" data-object-fit=\"cover\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Darbijiif-777x437-1.jpg 777w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Darbijiif-777x437-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Darbijiif-777x437-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Darbijiif-777x437-1-535x301.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 777px) 100vw, 777px\" \/><div class=\"wp-block-cover__inner-container is-layout-flow wp-block-cover-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-pullquote\" style=\"font-size:20px\"><blockquote><p><strong>Sheeko:<\/strong><em>Wiil darbi jiif ah, ayaa waxa uu suugaan ku cabiray, xaalada nololeed ee uu la nool yahay, iyo dhibka haysta inta uu leeg yahay, waxa uu yidhi:<\/em><\/p><\/blockquote><\/figure>\n<\/div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-2 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.34%\">\n<ol class=\"wp-block-list\" id=\"block-da585ce3-dc0c-412a-8ec0-6a5273022693\"><li>Hidiiyooy Hidiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii<\/li><li>Farxadda Waan Kala Didnaa<\/li><li>Waxaan Gashadaa Direys&nbsp;<\/li><li>Maryaha Duugee Aad Qubtaan<\/li><li>Dux iyo Iidaan Ma Cuno<\/li><li>Dugaag Waxaan Qaybsannaa<\/li><li>Hambada Aad Daadisaan<\/li><li>Badh Baa Daacuun U Go\u2019ay<\/li><\/ol>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.34%\">\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Markay Waayeen Dabiib<\/li><li>Badh Bay Dhaxamuhu Dileen<\/li><li>Duufaankiyo Qabawga Daran<\/li><li>BadhBaa Daad Soo Rogmaday<\/li><li>Habeen Dumay Uu La Tagay<\/li><li>Naftooda Badh Baa Daldalay<\/li><li>Markay Noloshii Naceen<\/li><li>Aqoonyahan Nama Darsaan<\/li><\/ul>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.33%\">\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Xaalada Darbi-Jiifku Yaal<\/li><li>Digriga Culimadaa Wadaa<\/li><li>Daleel Nooguma Hadlaan<\/li><li>Dastuurkuna Wuu Na Gabay<\/li><li>Qoraaguna Wuu Na Dagay<\/li><li>Dadweynaha Uma Bandhigo<\/li><li>Ciilkiyo Dacaskaa Na Dhibay!<\/li><\/ul>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko:<\/strong> Waxa aan eegay dhinacayga bidix, kursigii uu ku fadhiyay aad ayaa uu uga durkay, oo xageeda ayuu kolba ku sii durkayaa, wuu dhididsan yahay, oo labadiisa indhood sida ay u shaqeynayaan ma qiyaasi kareysid, waxa aan u malaynayaa in gacantiisa bidixna uu meel kaga hayay, iyaduna way argagaxsan tahay, wejigeeda waxa ka muuqda cabsi badan oo xad-dhaaf ah, afkii ayaa juuqda gabay, hadalba ma karayso, markii aan xagooda eegay wuu ka soo yar durkay, kadibna inta ay nafistay ayay cod cabsi leh, oo aad u hooseeya ku tidhi: \u201c<em>Ii jooji! Ii jooji!<\/em>\u201d waxaan u malaynayaa in ay ooyaysay, inkasta oo indhaheeda aanay ilmo ka muuqanin, dirawalkii baska waday wuu maqli waayay, kadibna aniga ayaa codkeyga u raaciyay, oo ku idhi: \u201c<em>Waar! U jooji inanta!<\/em>\u201d waxa aan u maleynayaa bartaa ay kaga degtay in aanay ahayn halkii ay dooneysay, laakiin waraabahan cuni gaadhay ayay ka baxsaneysay, dadkii baska saarnaa warba uma hayaan, qaarkood waxay moodayaan inay wada socdaan, qaarna xagoodaba ma eegayaan, iyaduna may ahayn qof odhan kareysa <em>I Daa! iyo Isii Daa!<\/em> midna, waxay aheyd inan da\u2019a yar, oo akhlaaq iyo xishood badani ka muuqdo, waxa ay u muuqatay qof lagu soo tabcay, oo waalid wanaagsani soo tarbiyeeyay, laakiin yaa waraabayaasha yur ka odhani? Waraabahaasi kolkii uu baska soo fuulay ee uu ag-fadhiistay iyo kolkan aan ku baraarugay dhaqdhaqaaqooda, ee aan xagooda eegay, waxa u dhaxeysay muddo badan, intaasi oo dhan wuu silcinayay, oo diiqad iyo ciil ayuu ku hayay! wuu dhibay maraa waaxid\u2026<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-white-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\">Dhacdadani may ahayn markii iigu horeysay ee aan la kulmo, marar kale ayaan dhacdo sidan oo kale ah kula kulmay basaska magaalada Hargeysa ka dhex baxa, weliba tani hadh cad ayaa aan la kulmaye, waxa aad arkeysaa habeenkii bacda makhrib ilaa iyo 11ka habeenimo dumar kaligood basaska raacaya, oo ay qaarkood yihiin hablo da\u2019a yar oo waxbarasho xiligaasi tagaya ama ka imanaya, cajiib! way daggan yihiin, oo way dayacan yihiin, maxaa yeelay; habeenkii marka gabalku dhaco, waxa soo kaakaca saaqidiintii iyo dibjirtii soo sikhraamay, waxa ay u soo dareeraan suuqyada, si ay uga soo helaan hadba wixii xumaan ah ee ay rabaan inay fuliyaan, waxa dhaca xumaan badan, oo maanta innaga inaga qarsoon, laakiin Rabbi Weyn Oo Wanaagsan oo aan waxba ka qarsoomeynin ayaa jira, kaasi oo dhacdooyin badan oo argagax leh maanta se inaga qarsoon soo bandhigi doona, kolka ay xilligeedii gaadho, markii xeerarkii wanaagsanaa ee badbaadada u ahaa bulshadeen rag iyo dumar, mid jilicsan iyo mid awood lehba laga tagey, isla markaana diintii ceebo iyo xajiin loo sameeyay, waxa ka dhashay dulmigaasi iyo xumaan badan oo kale, oo aan la qiyaasi kareynin.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Dhibaatooyinkaasi iyo qaar kale oo bulshada dhexdeeda ka jiraaba, waxa ay bilaw iyo sabab u noqdeen hijradaasi, sidaasi oo ay tahay, hadana hijradaasi waxa sii xoojiyay, oo in halista tahriibka loo badheedho dhiirigaliyay warbaahinta reer-galbeedka, taasi oo ay ku soo bandhigaan masrixiyado iyo aflaam ay ka matalaan, nolol isku beeg-beegan, oo nidaam iyo kala-dambeyn leh, taasi oo laab-qaaday tahriibayaasha.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Mar kasta oo ay balaayooyinku bataan, dadka aanu Iimaankoodu xooganeyn, waxa ka xumaata caqiidada, oo waxa suurtagal ah; marka uu qofku dhibta xajisan kari waayo, in uu dembaabo ama uu ku dhawaaqo hadalo aan u habooneyn, sida isaga oo yidhaa; <em>\u201cMuxuu Illaahay sidan iigu galay? \u201d<\/em><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Hijradan ama qaxaa ay dadkaasi go\u2019aansadeen, waxa uu yahay mid xaq ah, oo ay gar u leeyihiin, waxaa se isweydiin mudan! qaxaasi ma noqday mid ka dhib yar, dhibaatooyinkii ku kelifay in ay ka soo cararaan dhulkoodii? Jawaabtu waa Maya! Waxaabu dadka qaarkood ku noqday mid kaga daran xaga diihaalka iyo rafaadka, kana dareen xun dhibaatooyinkii ay ka soo carareen.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye waxa uu Qur\u2019aanka Kariimka ah kaga waramayaa aayado inoo sheegayaa; hadii qofka meel lagu dulmiyo, oo dhib iyo dulli uu kala kulmo, in uu qofku iskaga qixi karo meeshaa, oo hijradu door u tahay, si aanu if iyo aakhiro ba u khasaarin, in kasta oo furashadii magaalada Makka kadib Jihaadka la inoo baneeyay, oo aanay fiicnayn in uu qofku ka hijroodo dhulkiisa, hadana marka ay muslimiintu ku kala aragti duwanaadaan Jihaadka iyo sida loo galayo ama khilaafka muslimiintu xad-dhaafo, waxa fiican in uu qofku sameeyo sidii ay aakhiradiisu ku hagaagayso, xataa hadii ay kula noqoto in aad in badan ka fogaato dhulkaaga, oo aad sidaa ku badbaadayso, waa in aad yeesho, aayadahaasi Qur\u2019aanka ku jira waxa ka mid ah:<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Aayadan oo ka warameysa dad nafta laga soo qaaday iyaga oo xumaan iyo dulmi faraha kula jira,&nbsp; kadibna waxa la weydiinayaa: \u201c<em>Waar maxaa idinku kalifay in aad sameysaan waxani?<\/em>\u201d, waxa ay ku jawaabayaan: \u201c<em>Danta ayaa nagu kaliftay sidani inaanu samayno, oo waxaanu ahayn dad duleysan oo la gumaystay<\/em>\u201d, waxaa dadkaasi loogu jawaabayaa \u201c<em>Miyaan dhulka <\/em><em>Illaahey<\/em><em> idiin balaadhin, si aad uga qaxdaan meesha dhibta leh, oo aad u tagtaan meeshii aan dhib lahayn\u2026<\/em>\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\">\u0625\u0650\u0646\u064e\u0651 \u0627\u0644\u064e\u0651\u0630\u0650\u064a\u0646\u064e \u062a\u064e\u0648\u064e\u0641\u064e\u0651\u0627\u0647\u064f\u0645\u064f \u0627\u0644\u0652\u0645\u064e\u0644\u064e\u0627\u0626\u0650\u0643\u064e\u0629\u064f \u0638\u064e\u0627\u0644\u0650\u0645\u0650\u064a \u0623\u064e\u0646\u0641\u064f\u0633\u0650\u0647\u0650\u0645\u0652 \u0642\u064e\u0627\u0644\u064f\u0648\u0627 \u0641\u0650\u064a\u0645\u064e \u0643\u064f\u0646\u062a\u064f\u0645\u0652 \u06d6 \u0642\u064e\u0627\u0644\u064f\u0648\u0627 \u0643\u064f\u0646\u064e\u0651\u0627 \u0645\u064f\u0633\u0652\u062a\u064e\u0636\u0652\u0639\u064e\u0641\u0650\u064a\u0646\u064e \u0641\u0650\u064a \u0627\u0644\u0652\u0623\u064e\u0631\u0652\u0636\u0650 \u06da \u0642\u064e\u0627\u0644\u064f\u0648\u0627 \u0623\u064e\u0644\u064e\u0645\u0652 \u062a\u064e\u0643\u064f\u0646\u0652 \u0623\u064e\u0631\u0652\u0636\u064f \u0627\u0644\u0644\u064e\u0651\u0647\u0650 \u0648\u064e\u0627\u0633\u0650\u0639\u064e\u0629\u064b \u0641\u064e\u062a\u064f\u0647\u064e\u0627\u062c\u0650\u0631\u064f\u0648\u0627 \u0641\u0650\u064a\u0647\u064e\u0627 \u06da \u0641\u064e\u0623\u064f\u0648\u0644\u064e\u0670\u0626\u0650\u0643\u064e \u0645\u064e\u0623\u0652\u0648\u064e\u0627\u0647\u064f\u0645\u0652 \u062c\u064e\u0647\u064e\u0646\u064e\u0651\u0645\u064f \u06d6 \u0648\u064e\u0633\u064e\u0627\u0621\u064e\u062a\u0652 \u0645\u064e\u0635\u0650\u064a\u0631\u064b\u0627 {\u0633\u0648\u0631\u0629 \u0627\u0644\u0646\u0633\u0627\u0621 \u0669\u0667<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa kale oo ka mid ah Aayadan oo Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoogu sheegay; in qofku ka qixi karo halka uu ku dhiban yahay, oo meeshii kale ee uu tagaba cibaadadu ay kaga ansaxayso, Rabbina Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ka war hayo adoomihiisa meel kasta oo ay joogaanba.&nbsp;&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\" style=\"font-size:20px\">{\u064a\u064e\u0627 \u0639\u0650\u0628\u064e\u0627\u062f\u0650\u064a\u064e \u0627\u0644\u064e\u0651\u0630\u0650\u064a\u0646\u064e \u0622\u0645\u064e\u0646\u064f\u0648\u0627 \u0625\u0650\u0646\u064e\u0651 \u0623\u064e\u0631\u0652\u0636\u0650\u064a \u0648\u064e\u0627\u0633\u0650\u0639\u064e\u0629\u064c \u0641\u064e\u0625\u0650\u064a\u064e\u0651\u0627\u064a\u064e \u0641\u064e\u0627\u0639\u0652\u0628\u064f\u062f\u064f\u0648\u0646\u0650}<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Hadaba Soomaalida habqankoodii waxa uu batay markii ay dowladii dhexe ka burburtay, oo waxa ay galeen koontiinar aanay dhinacna uga bixi karaynin, maxaa yeelay; waraaqo socdaal oo caalamka laga ogol yahay ma laha, taasi waxa ka dhashay in ay naftooda ku biimeeyaan safarro aad u halis badan.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Qaxaasi wixii 1980-tamaadkii ka horeeyay waxa loo yaqaanay Tacabir, 1990-ka wixii ka dambeeyayna waxa loo bixiyay magaca Tahriib, waxaa uu u qaybsamay dhowr nooc oo kala duwan, oo uu midiba mid ka dambeeyay, waxaana nooc kasta sees u ahaa, oo qaabeynayey ku-dhiirashadiisa waxyaabahani:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Kharashka ku baxaya safarka.<\/li><li>Nabadgelyada marinka safarka.<\/li><li>Iyo ku-kalsoonida guusha laga filan karo gabo-gabada safarka.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p class=\"has-larger-font-size\"><strong>Tacabir:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa xilligiisu ahaa wixii 80-ka ka horeeyay, waxa loo qixi jiray dalalka jaarka iyo kuwa ku yaala gacanka carabta, kaasi oo dad aad u tiro badani ku tageen meelahaasi, si ay nolol fiican uga raadsadaan, oo illaa imika qaarkood ku nool yihiin.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Tacabirkaasi waxa uu u badnaa dhinaca carabta, oo dadka qaarkood waxa ay doonyo kaga gudbayeen badda cas, hadii ay ka badbaadaan safarkaasi badda ay ku marayaan, waxa ay u gudbaan dalka Yemen kadibna waxaa ay u sii dhaafaan wadamada khaliijka, halkaas oo in ka mid ahi u gudubto, kana helaan shaqooyin fiican, oo ay ku sii wataan noloshooda, halka in badan oo ka mid ah dadkaasi tacabiraya aanay u suurogelin in ay gudbaan, oo inta la qabto ayaa dib loogu soo celiyaa dalalkii ay ka yimaadeen (Tarxiil).<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-larger-font-size\"><strong>Xidid ama xaas ku bixid:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa ku xigay nooc la adeegsado xidid ama xaas, oo markii dad badani tacabireen, oo ay dunida daafaheeda u kala goosheen, ayaa waxa bilaabmay nooc cusub, oo dadkii gudaha dalka weli joogay kaga baxayeen dalka, kaasi oo ahaa sidan;&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Qof baasaaboor sax ah sita, ayaa waxa uu ku kaxaynayaa qof kale xaasnimo ama xididnimo.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Kani wuxuu noqday kii ugu foolxumada badnaa, isla markaasna gebi ahaanba meesha ka saaray, maamuuskii iyo milgihii ay lahaayeen dadkii qaxayay, waxa lagu kalifay in ay sameeyaan waxyaabo badan, oo aad u liita, si loo xaqiijiyo arrinkooda, waxyaabihii dhacay waxa ka mid ahaa kuwani:<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\" style=\"font-size:20px\"><li>Ninku waxa uu ku kaxaysan karaa xaaskiisa waraaqihiisa socdaalka, kolkaa marka nin haysta baasaaboor yurubiyaan ah, uu doonayo in uu walaashii ku dhoofiyo, oo uu walaashiisii uu jeclaa ka soo saaro, dhibka iyo rafaadka ka jira dhulka ay ku nooshahay, waa in uu u sheegaa safaarada in ay is-qabaan, oo ay xaaskiisii tahay.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Si ay safaaraduna u xaqiijiso waxan uu sheegayo, waxa la odhanayaa na tusa waraaqihii meherkiina iyo xafladii arooskiina, kolkaa inta aanay safaarada tegin ayaa loo qabanayaa ninkan iyo walaashii xaflad aroos, iyaga oo dharkii arooska xidhan, oo isgarab fadhiya, oo wada ciyaaraya, kadibna inta cajalad laga soo duubo ayaa safaaradii loo geynayaa, waa wax aad u foolxun, waxa isugu biiray dhaqan-xumo iyo been, oo iyaga oo aan isqabin ayay sheegteen in ay is-qabaan.<\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Waxyaabaha kale ee dhacay waxa ka mid ah; qofka baasaaboor haysta waxa loo ogol yahay in uu ku kaxaysto carruurtiisa, hadaba qofka doonaya in uu dhoofiyo dhowr qof oo aannu dhallin, si loo xaqiijiyo in ay carruurtiisii yihiin, waa in safaaradu ka qaadaa caruurta iyo odeygaba DNA-da, <em>DNA waa maado laga ogaado xididnimada dadka is-dhalay<\/em>, waxaanay ku jirtaa dhamaan dheecaamada kala duwan ee dadka, sida; candhuufta, dhiiga, iwm\u2026<\/li><\/ul>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Hadaba ninkan baasaaboor-site iyo dadkan uu rabo in uu ku kaxeeyaa is-may dhalin, markaa hadii DNA-dooda la baadho waxa la ogaanayaa in aanay is-dhalin, si ay taasi uga badbaadaan, waa in ninkan baasaaboor-site ugu deeqaa dadkani kale dheecaankiisa wax ka mid ah, kolkaa waxay sameynayaan:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko:<\/strong>&nbsp; <em>Waa adduun iyo xaalkiiye waxa uu yidhi: Subaxii loo balansanaa tegitaanka safaarada, ayaa uu noo yimid, kadibna markii aanu u dhawaanay goobtii ay safaaradu ku taalay, ayaa uu mid walba afka ugu sii tufay candhuuftiisii, yaayaqsi iyo ishiishi ma jirto, diidmo iyo khajilaad ha sheegin, xasanoow wax kale oo aan ku idhaa garan maayo\u2019e waa Dani Ku Badday! Ninkii gabyay waxa uu yidhi: [Dirxigaba Qudhmuunku Uma Soo Uree, Waabu Quud-sadaaye] Waxa nalagu sii dardaaray; candhuuftaasi waa in aydaan liqin, waa in aydaan ku dhex darin\/milin candhuuftiina, marka aad gashaan halka candhuufta la idinkaga qaadayo, taa aad afka ku sidataan dhiga.<\/em>&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Kadibna sidaasi ayay labadii DNA ee baasaaboor-site iyo dadkani kale isku mid u noqonayaan. <em>[silic iyo saxariir adduun dheh\u2026]<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-larger-font-size\"><strong>Safarka baasaaboorka beenta ah:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa isna dad badan ku baxeen, nooc kale oo la adeegsado baasaaboor been ah, iyaga oo ka faa\u2019iidaysanaya isku eekaanshaha inta badan lagu arko dadka wada dhashay, ayaa uu midi u soo dirayaa baasaaboorkiisa walaalkii, kadibna waxaa uu kii kale ku raacayaa diyaarada, markaa waa nasiibkii hadii lagu fahmo oo la soo celiyo iyo hadii uu ku baxo, oo ay aad isugu eekaadaan qofkii baasaaboorka lahaa, hadii uu markaasi ku dhaafo meesha lagu baadhayo, waxaa uu markaaba isqorayaa qaxoonti.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Markii noocyadaasi hore dadkii ku baxayay bateen, ayaa safaaradihii wadamada reer galbeedku ogaadeen, kadibna waxay adkeeyeen shuruudihii lagu xidhi jiray qofka, kadibna aayar aayar ayay u joogsadeen khadadkaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-larger-font-size\"><strong>Khadkii UN-ta iyo Reer-Galbeedka:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa hay\u2019adda u qaabilsan qaramada midoobay arrimaha qaxoontiga UNHCR iyo dalal badan oo reer galbeed ahi shaaciyeen, in ay qaxoontinimo u furayaan dadka aadka u sii dayacan ee waayahaasi adkaaday iyo garsoor-xumadu isugu biireen.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa ay dadkaasi ahaayeen kuwo inta badan lagu xadgudbo oo la yaso, kana tirsanaya hagrasho badan degaankii ay ku noolaayeen, arrimo xaga dhaqanka ahna lagu fogeeyo, fogeyntaasina waxaa ay u horseeday, in dadkaasi tiradoodu yaraato, oo marba marka ka dambeysa ay sii tafiir go\u2019aan, waxa dadkaasi bulshadu u taqaanay \u201cMidgo\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Dad dhibaato iyo xumaan sameeyay in la cuna-qabateeyo, oo gaar looga sooco bulshada inteeda kale, waagii hore way fududayd, oo waayihii iyo waaqicii nolosha ee xilligaasi jiray, ayaa sahlayay in qabiil ama qolo la hayb-sooco, oo sidii bahalkii dad-cunka ahaa laga yaaco, oo dhibkooda lagu ciqaabo, hadaba hadii maanta uu waaqica noloshu saamixi lahaa in xumaan iyo xasad qabiil ama qolo lagu hayb-sooco, waxa xaqiiq ah in reero badan oo laan-dheerenimo iyo wanaag badan isku tuhmaya la fogeyn lahaa, oo si ka xun sidii kuwii hore loo midgaameeyay laga yeeli lahaa, se waxaan ogoleyn waaqica nolosha ee maanta jira, waxa jiray laba arrimood oo suuragal ka dhigi jiray, in qabiil ama qof la takooro, waxa ay ahaayeen: Dhulka iyo Dhiska.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\"><strong>Dhulka<\/strong> waagii hore lama kala lahayn, markaa hadii qofka ama qabiilku meel kala kulmaan dad dhib leh way ka ag guuri jireen, oo meel ka fog meeshaasi ayay tegi jireen, laakiin maanta taasi suurtogal maaha, oo meel kasta cid baa sheeganaysa, kolkaa meesha aad degan tahay dadka ku nool dhib kasta oo ay leeyihiin, waa in aad xamisho, ama waa in aad qori iyo hub qaadato, oo dagaal sokeeye dhaco.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\"><strong>Dhisku<\/strong> waagii hore wuxuu ahaa mid la qaadi karayo, oo aqalladu buulal ayay ahaayeen, markaa kolka qofka ama qabiilku meel ku arkaan dad dhib iyo xumaan sameynaya, aayar ayay aqalka furfuri jireen, oo ay ka guuri jireen meeshaasi, oo aqalka dhan gebigiisaba awr iyo laba awr ayaa lagu qaadi jiray, maanta se suurtogal maaha oo dhismayaashu waa sibidh iyo dhagax dhulka lagu rakibay, oo lacag iyo aduun aad u badani qofkii kaga baxay, kolkaa in la dumiyo ama laga iibiyo qof kale mooyaane lama qaadi karayo.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Markaa waaqica iyo waayaha nolosha ee maanta jira marka aynu eegno, xalku kuma jiro in dhib iyo xumaan lagu hayb-sooco qof ama qabiil, waxa keliya ee u banaan dadka dhibta sheeganaya, waa in ay hub qaataan oo ay dagaalamaan, taasina waa ta maanta soomaalida ugu wacan in ay dagaallo sokeeye ka dhex qarxaan, oo kolba laba qabiil ama laba deegaan ku dagaalamaan dhibaato uu midba midka kale u sheeganayo.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Hadaba qorshahaasi ay reer galbeedku ku qaadayeen dadkii la hayb-soocay, waxa ku baxay dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadkii la takoori jiray, waxa ay reer galbeedkii siiyeen dadkaa magangelyo iyo nolol adduunyo oo fiican, oo dhinac walba ka dhisan, dadka intii la qaadayna way ku nasteen, oo waxa Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye kaga furdaamiyay, dhibaatooyinkii ay muddada badan la soo noolaayeen.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Markii khadkaasi furmay, waxa dad badan oo aan ku jirin dadkii la rabay, u tafaxayteen sidii ay uga mid noqon lahaayeen dadkaasi la qaadayo, waxay qabatimeen oo joogto u noqotay adeegsiga beenta, waxay ceebeeyeen oo ay habaareen nafahooda si loo ogolaado, iyaga oo sheeganaya wax aanay ahayn iyo waxyaabo badan oo dhaqankooda wanaagsani aanu ogoleyn, oo aad iyo aad u xun-xun.&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-larger-font-size\"><strong>Safarkii Saxaraha:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa hadana jeexmay jid cusub oo lagu hijrooda, gaar ahaan; mid dadka reer afrika ee qaxoontinimada yurub doonayaa ay maraan, waa wado aad u silic iyo saxariir badan.Waddadani dhowr dal oo afrikaan ah ayay ka timaadaa, waxay se isugu timaada hal meel oo ah Saxaraha Liibiya.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-3 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"682\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-1024x682.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1248\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-300x200.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-768x511.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-535x356.jpg 535w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2-1536x1022.jpg 1536w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib2.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"700\" height=\"524\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib3.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1249\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib3.jpg 700w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib3-300x225.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib3-535x400.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 700px) 100vw, 700px\" \/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1000\" height=\"450\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib5.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1251\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib5.jpg 1000w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib5-300x135.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib5-768x346.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib5-535x241.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/><figcaption><em>Security personnel recover bodies of migrants in the area between Kufra city and Chadian border with Libya June 28, 2022.   Courtesy of Kufra ambulance service head Ibrahim Belhasan \/Handout via REUTERS<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Tusaale: waddada ay Soomaalidu maraan waxay ka bilaabantaa, gelitaanka dhulka Xabashida, kadibna waxa loo sii dhaafayaa dalka Suudaan, waxa looga sii gudbayaa saxaraha weyn ee u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya Dhererkiisuna yahay 1600Km, intii ka badbaada kulaylka, gaajada iyo oonka yaala saxarahaasi ama Ma-Gafeyaasha(Waa tuug tahriibayaasha qabsada, kadibna lacag madax-furasho ah ka soo dalbada tahriibaha qoyskiisa) waxa ay ku soo gunaanadaan safarkoodaasi xeebaha dalka Liibiya.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-4 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.34%\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh3.googleusercontent.com\/rPw9pbrR4itLceG5lNYXarDh_ewxAPf4xmEvCPWKs8ufftUz4_sadGnJLC6BPoSFJ1HdS2vWBqhY9ODBwG2JtY53SpCmhOcYUE-XzxHoNnwXVfI_bGwi42NgG6nKtcRWLrS1cQN2HFYbiQ0sOlFDihEhqDXL3TsQ4Bt2BhN8S2abOaCcJ50fpRTVm1gJsyPgPoplsQ\" alt=\"D:\\WARSAME\\JOOMLA MATERIALS\\OGAYSIIS\\og notes\\TAHRIIB-PM\\Page1\\photo\\tahriibayaal.jpg\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.34%\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh5.googleusercontent.com\/mu43LN2ihVBEaHsZAE3y7Wv_IMkvZdWeAtKm0brKo-9r7gHiXo3W3lm7IP8N9GyaeIwgVRxUNPY6LMwfJ1h3S_6kRIMA5QF02UzvSkKnDejH0q-aM41yhoDLrHO3IPB1JsqIAZyxyUvOJNz4NqjEgWox3Z_jDpgZkMhMCqpPfDVJgpLhlnUMwJ_mcZhbpVyVA3_EEg\" alt=\"D:\\WARSAME\\JOOMLA MATERIALS\\OGAYSIIS\\og notes\\TAHRIIB-PM\\Page1\\photo\\images (1).jpg\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.33%\">\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"800\" height=\"450\" src=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib4-1.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1252\" srcset=\"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib4-1.jpg 800w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib4-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib4-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/soomaal.net\/qormo\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/tahriib4-1-535x301.jpg 535w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxa halkaa ka sii bilaabmaya safar kale, oo la dul marayo bada cad ee u dhaxaysa afrika iyo yurub, waxa la raacayaa doonyo tayadoodu aad u liidato, oo aan loogu talogalin safarka noocaasi.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Waxay doontaasi ku fuulayaan tiro aad u badan, oo culays ku ah socodkeeda.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh4.googleusercontent.com\/WJMQP97RBWxxuoWEr9GY9Dmt6aEn71nhc_UeS39NtF9xJsRkcuAGc3wiejwFGS5pIagWUSiHX3XGNLq9rkeojmfddN3Mur11f-zM4AD2D4qrpO1NWQp6rZxQQuaX_jAKDA2DuX46nR2ZaHQVH3yU8Zl2oHRSeLU5hugZ7w-6wHkpAzNVtOxaQo0DBpdeh_xKYQmVqA\" alt=\"Related image\"\/><\/figure>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Kadibna tahriibayaasha intii safarkaasi ka badbaadaa, waxay u gudbaan, oo ay cabasho badan iyo oohin ku galaan xeebaha dalalka yurub, gaar ahaan; xeebaha talyaaniga iyo isbayn.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-5 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.33%\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh6.googleusercontent.com\/6kYRxgiwFS0imltiIrDrnuYRwl5O7w5MkBozQFCzP9n7hJHiSaVpSwlGvMJ8jfEk_R2kICT5lXAHXyBcYorsmcMCTFtXQq294-hUhS2CXIHOSWk0XzkZutXOiwUSCupKsfwhTw5nMKq5G3v6TV9JZFcsbjPzUjvWMqSwhBED6SaMbqkXIb6Jsycm4WqbWmcuHOjpkQ\" alt=\"Image result for african immigrants running to europe\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.33%\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh4.googleusercontent.com\/hDV7N3Cb-y1rFE3xUUXqRStomdQgsATeKdtaSY7VkRyBj5N5s0Dk2F1CUVbS5WK2ZhfqpiCewEYbZL_1eVZqDS5N98vk8UbiYiOlW95BQ57QXAD5oF4zyI4-MVvp-J5Hx9HvXXecBYMnbSeNaMuR2ec0MFovW1GFkpavkGh-qUzGWgZ4Z0FIgXIyyCpA4vx2MnTjYg\" alt=\"\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:33.33%\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh6.googleusercontent.com\/wM7lHgbg92tTN8xqiwnsmit6QkMUj3uyQ0XKjcv-P026G145E_DymJvcWXibhmLgMlwLrS4NH_ZnnOGoWDJfA33I8Rr7ynLVlW6c1iVKAyYjGy2z_7wAaUzoyMENAPIT91mTEu3gEp-P5VMeuqbIRwaFTB8aTLnM1agJRD-L_pKTWiw1a15MB-pGc4VViKAqFcplqQ\" alt=\"\"\/><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Halkaasina waxa ku soo gebo-gebooba, safarkoodii diihaalka iyo dayacnaanta badnaa, ee ay kaga soo qaxeen dhulkoodii hooyo.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-6 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh5.googleusercontent.com\/I9LaMf_JdyOGX9BZO8YM6N7iWCoXVEA4KqARWr-vn_y8Yfi_OvmYoBZ6BAg0TfUxQ4mBXs81m2J5L_xgJ-v7AwjlPeE6YSqV4vChKo0a22S71RUNtSqumfuqc80VNGLxI4dihhIUGhdefk6zoLZj5SQTTVkZ1RNHCpNA3a11ey8PQ53NZ-FdSHH3rLlu5Dc6EjY3jQ\" alt=\"\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh6.googleusercontent.com\/3kEAvuBFkv_PQzYeRTVJPY70m3to74VZrDCq1NtL4s8xeaXqepYKct6CQakqlXOVNo2FYFUZYvdiZa3IxY9KYpHQM6wQxDa72YmU0Y-YLu5p3f_hRVACDgUuyXqzV2TVp8gas9RMtkkZoozhBAYV14eH_ksbrrH9PlaAO00U3tcQMAhInAolaFR8Eo0a7iHqNK0b8A\" alt=\"\"\/><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh4.googleusercontent.com\/xR9MoWc2Rx_Gzwy5uc6GSNgXqarNOCY_IN53NrXSvxIm7pkva6Rp9XTYx7f8KRIkQ9LgN-yfwUAJTGnnJ3i7qrxg7yi79EoMkhqGMAVK19vlv-n_B9TNGZIMYv3tpSnyAktsdfCD8SEz8YXnPZ6knL2m0EYdP3PvVw5U8PJNU4t5hRFrm1DdytB-hJbH4o5tbSi9vA\" alt=\"\"\/><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-7 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh6.googleusercontent.com\/9J49P1BJXa96FE81f6uWFLHQvlI5XUip4sGzzr5P8AJ9DnjATKmNPTALwlBiD1_vWbxuryYO4X6RF1cLmZeI27Ixumxhi40lTouS0mXS8uhGMhL8adaS_crXJOgni2PrswluPsmCehF78oPpHKJwtRq8uPhBd5M56txpHxLz2CvwPncSfxv3pJkaOL5w7X4CBfxJlw\" alt=\"D:\\WARSAME\\JOOMLA MATERIALS\\OGAYSIIS\\og notes\\TAHRIIB-PM\\Page1\\photo\\203.jpg\"\/><figcaption><em>Doontii oo&nbsp; dhex heehaabaysa badda.<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh4.googleusercontent.com\/V5w0a631-f4B8dgrCYeZyBacHzdAZ40Lp0LqAhDgCGR8UBng6RHnxAKsjSkStWrX_neYvRsAednyXA24LIyVd3wgP92zTr7lM2iIDf2bF6vfDtz9_aDmCRIA9WLlf1glj9pLJ-xyZ8_ulrmVIZFQUSjU9XrrkHMLv7AhSz_eHOI8duhi5en7ULRhxQXF5oyFCm3NSQ\" alt=\"D:\\WARSAME\\DOCUMENTS\\GUGII UUR-TIMOOLAHA\\SAWIRO\\tahriib\\immigrati.jpg\"\/><figcaption><em>Tahriibayaasha oo fuushan doon rabadh ah.&nbsp;<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh3.googleusercontent.com\/W_m8RlkcqYK3LMwlnCaJ2ap_QFGlAyNzHNAmioOG9AWyPNWAv6BLTdAk3pqSXochWkT7BDbVPhDnGcX2xYLQYoAu2_9_h5-ZZSH13pINE22ZVUTge0yRQloCddCWc9kbY48aChURcA9cTP0ZUrqTiDUuyKGfCGjUOJ1RRdQ_PTdL0Fz_5lLALaK5NcYTfAsGv1GHgA\" alt=\"D:\\WARSAME\\DOCUMENTS\\GUGII UUR-TIMOOLAHA\\SAWIRO\\tahriib\\1414681167379_wps_1_A_handout_video_grab_rele.jpg\"\/><figcaption><em>Tahriibayaashii oo tiro aad u badan ku fuushan doon rabadh ah.<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-8 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh5.googleusercontent.com\/ujyLMCD3_46XO2N8HLaJzgN_-AsHOJIdvLsHQKin2QMop_F7JY42eeKgUE08Hi93jZhWiMEqG0c-kKkyvi152-gmrGYSs2OJUpgMDIMdiTfWayrRJgCeElebDsvn9id4alJT6ZBTNOTkY9FnOEBpvBDKguNOt_iIpbHNAFkU_mmYDnrepJ1FDvJCGWS96TnOXdS0jA\" alt=\"D:\\WARSAME\\DOCUMENTS\\GUGII UUR-TIMOOLAHA\\SAWIRO\\tahriib\\0,,18246729_303,00.jpg\"\/><figcaption><em>Doontii rabadhka ahayd oo qaraxday.<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh5.googleusercontent.com\/WUCSk0iOuGP6a0DMqc7o1qnYvVYf7-vAiycLE4Z9AZSsGgsnWU3Sx-KkDSe-r-yWwFu71dkRuVA4hYvAX4iHyH7Q5c4I7UOTXmlfWbD9b5w7SC-su50A7VLooRupczTxyPF9krmwiH6ki__WvqyQrwLWMOI-ctwp7F2Kvr0-dvjSxVPmWAlza1rj2ZclM71PBjiHzQ\" alt=\"D:\\WARSAME\\DOCUMENTS\\GUGII UUR-TIMOOLAHA\\SAWIRO\\tahriib\\African-Migrants-Death.jpg\"\/><figcaption><em>Tahriibayaal meyd ah oo ay baddu soo tuftay, oo yaala xeebta.<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\">\n<figure class=\"wp-block-image\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/lh6.googleusercontent.com\/MjnmgU7ywsLBmR1I_HHo19LlOByIyy3ADqV9yNamD23lRHuJYsv-Jno9YAD3GqFoMvqPf4bM3XWmljmkRdiRMYVDQ0QO0Kux5kMJjZjn7iwUVucWcfaYptXvHq3oPclfDqDJ2ipEwKU0jQbGJbl01kOFBT8Y4C0ookU7UivW5WKTskZzEQmRunq7tkTtRUDZGEOHgw\" alt=\"D:\\WARSAME\\DOCUMENTS\\GUGII UUR-TIMOOLAHA\\SAWIRO\\tahriib\\kybian.jpg\"\/><figcaption><em>Maydka tahriibayaashii baddu soo tuftay oo meel laysugu ururiyay.<\/em><\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko: <\/strong><em>Ilmada dhabankayga ka socotaa waa yeelkeed, bal may xinjiro dhiig ah noqoto, danba kama lihi, sankayga duufka ka hooraya, bal muu malax noqdo, murugta I haysaa may sun noqoto, aan ku go\u2019ee, adduunyada hal mar maan ka tago, oo la I waayo, habaar ka sii wayn kan iminka I haystaa muu igu habsado, dhulku muu ila go\u2019o ama iga go\u2019o, aniga oo nool maa la I aaso, waxba yaan la igu tukane, miyaa degdeg la iigu tuuro iilka, iyada oo aan la ii naxariisan miyaa sida maro xun oo calal ah ama xabbad dhagax ah la igu magoojiyo, dhulgariir miyuu dhaco oo dunidu isku dhalaasho, masiibooyin tiro beelay miyuu Illaahay darandoori u soo daayo, dhammaantood miyey aniga, kaliday oo cad oo madaw, igu dul basbeelaan, qiyaamaha la sheegaa hadda inuu kaco wacnaan lahaydee, dadka Illaahay miyuu kala xisaabo oo badhna biyaha naarta qudh-qudhsiiyo kadibna cadaabo, badhka kalena jannadiisa miyuu ku casuumo. Inta uu cadaabta ku guray miyuu aniga lambar wan iga dhigo, si aan naftayda uga aargoosto. Wax aan hore u jirin oo aan magac iyo muuq toona lahayn maan iska ahaado. Qasaaraha aan dunida la joogo, bal maan dhan uun ula dhaafo.&nbsp;<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><em>Magaaladii aan ku noolaa markii aan ka soo baxayey, cid i qabata ayaan waayey. Xadhig in la igu tigtigo ama jeelka la ii taxaabo ayaan ku rayn lahaa. Sidaasi haddii ay dhici lahayd sidan maanta dhacday may dhacdeen. Qofkii aan maalintaa ahaa ayaan ahaan lahaa, halka aan maanta qof kale ka ahay. Madax-adaygii aan ku socday dartii madaxaygu wuxuu istaahilaa in la iga gooyo. Kelidii inta meel loo la baxo in la rarmiyo, oo raran lagu deebiyo ayuu ku wacnaa. Sidaas ayaa abaalkiisa ah illaa laga waayo. Naciima-qallaafadii cagaha marmarootay, ee waxan oo dhan ila soo doonatay, halaag iyo hoog adduunyo Illaahay in uu hal mar u wada dhammaystiro ayey ahayd. Iyadu maanta midh ma qabto anna meeli iima noola. Toddobadii wiil ee nala socday, saddex madaxa ayaa laga toogtay, laba dhexda ayey ku soo dhinteen, midna waa la qafaashay. Kaa la qafaashay in iminka jidhkiisa la sarrifay oo la furfurtay ayaan u malaynayaa. Shantayadii hablood, mid waanu waynay, midna dhexda ayey ku soo go\u2018day, midna iyadoo nool ayaanu iskaga nimi markii ay socon kari wayday, aniga iyo mid kale ayaa soo hadhnay. Labadayada waa nala qaatay. Rag ayaa meel cidlo ah nala tagay oo naga soo go\u2019ay. Sidii laga yeeli jiray ee abaalkoodu ahaa dadka is nacay, sidayada oo kale, ayey naga yeeleen. Allaylehe baga.&nbsp;<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><em>Keliday, habeenkii koowaad, siddeed iyo toban nin ayaa isaga kay degay. Intii wixii ka dambeeyey waan suuxay oo dunida waan iskaga dheelmaday foolxumadeeda iyo waxa ka dhacaya. Way ii wanaagsanayd sidaasi, waayo aniga oo nool ayaa la I cunaayey, oo jiidhkayga la googoosanayey. Markii aan soo baraarugay lug ayaa I jabnayd, wajigayga oo dhamina wada nabar ayuu ahaa. Dad I ma helin ee bahallo ayaa I helay. Saaxiibaddaydii kale, iyadu ka maba ay soo noqon koomadii oo sidii ayey kaga hoyatay adduunyadan uraysa. Illaahay in uu iga dabageeyo, ama iyada booskeeda igu beddelo, ayaan niyadda ka jeclaa. Waayo in aan noolaado ma doonayo. Warqaddani waxa ay ugu dambayn doontaa wax afkayga ka soo baxa. Xilligga aad akhriyeyso warqaddan, aniga indhahaygii ciid ayaa gashay, waayo waan dhintay. Gacantayda ayaan isku dilay. Warqaddan haddii aad maydkayga ka dul hesho, fadlan la xidhiidh ciddaydii. U sheeg in aanay I cafin aniguna aanan naftayda cafin doonin. Maca salaama.<\/em> <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\">Sheekadani in ay male awaal tahay iyo in ay dhab tahay ma garan karo waxase qoray Khadar Cabdi<\/p>\n\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator has-alpha-channel-opacity\"\/>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\"><strong>Sheeko:<\/strong> Waxay ka yimaadeen Khartuum \u2013 Sudan, waxay ku socdeen Qaahira \u2013 Masar, waxay ahaayeen 24-qof, oo u qaybsanaa laba kooxood, oo koox waliba tahay 12-qof, intii ay dhexda ku sii jireen, waxa ka dhintay 4-qof, sida ay sheegeen waxa afarta qof jidh-dilay dadka suudaanta ah ee soo tahriibinayay, inan ka mid aheyd safarkaasi tahriibka oo iyadu ka badbaaday qaahirana gaadhay ayaa sheegtay, in afarta qof ee dhintay sadex ay ahaayeen wiilal, midina ay aheyd gabadh 17-jir ah, waxa ay intaa raacisay sadexda wiil mid ka mid ahi inuu ku dhintay dhabteeda, oo uu waliba aad u dardaarmay, waxa uu ku dardaarmay in loo weydiiyo hooyadii cafis, waxa ay inantu tidhi in badan ayuu ku cel-celiyay \u201cHooyo I Cafi\u2026 Hooyo I Cafi\u2026 Hooyo I Cafi\u2026\u201d <\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-cyan-bluish-gray-background-color has-background\" style=\"font-size:20px\">Tixraac: Idaacada VOA-Somali<\/p>\n\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator has-alpha-channel-opacity\"\/>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\"><strong>Gabay: Tahriibka<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Gabaygan la magac baxay Murugo wuxuu soo baxay 17\/04\/2016, waxaanu ka hadlayaa masiibadii badda ku heleeshay dhalinyarada tirada badan ee Soomaaliyeed iyo sida aanay u muuqan cid wax ka qabanaysa dhibaatada tahriibka oo sannad walba Soomaali badani naftooda ku waayaan.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">1. Musiibada adduun way dhacdaa maalin iyo layle<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">2. Muragada hayeeshee waxaan maanta ula ooyay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">3. Een marada sida roob ilmada maandhow ugu qooyay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">4. Ama muusanowga u cuskaday midhaha suugaanta<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">5. Ummad uu masiirkoodu lumay meelna wax u oollin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">6. Oon mas\u2019uuliyiinteeda iyo maamul hananaynin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">7. Shacabkiina mudutuul noqdeen moogan danahooda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">8. Oon cidina meel ugu maqnayn muumin iyo gaalba<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">9. Oon muhindisayn baynu nahay maare nololeede<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">10. Mooraalka daalani xaquu mahadin doonaaye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">11. Allahayow miciinkooda noqo magaca Soomaali<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">12. Afartaa dad meeshooda gabay muqadinkoodii dhe<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">13. Afarkalena muudsada qadhaadh baan idiin marine<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">14. Musiibada tahriibtani waxay marisay qoomkeene<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">15. Ubaxa iyo maatida go\u2019diyo maydka tiro beelay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">16. Magafuhu markuu waxay siteen maalka ka idleystay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">17. Inta doonyo mood wada noqdoo daalay lagu miisay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">18. Ee badaha moolkooda wayn lagu muquursiiyay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">19. Ee mowjadduhu ku halligeen malagu soo riixay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">20. Geerida markay wada dhinteen tiro yar mooyaane<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">21. Inta gabadh muraayada baxdiyo geesi laga maago<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">22. Maydkiina cidi raadinayn sida mayeedhaanka<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">23. Markay maqasho hooyada iyana halis muquuraysa<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">24. Ama aabbo mooraal jabiyo maxastu ooyayso<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">25. Een cidina maaraynahayn maanta kuwa jooga<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">26. Murigiyo naxdini way jirtaa maanka dhibaysaaye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">27. Malaayiin horaa laga sabroo maray dariiqaase<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">28. Muslimnimo allahayow intuu mowdku ku haleelay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">29. MIdhihii Firdawsiyo Jannada geli maqaamkeeda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">30. Ehelkana rabbow samir mug wayn kaga sug maankooda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\"><strong>Waxa Qoray:<\/strong> Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )<\/p>\n\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator has-alpha-channel-opacity\"\/>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\"><strong>MAANSADA GALIILYO<\/strong>: ABWAAN XASAN DAAHIR (WEEDHSAME)<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">Maansadan waxa Sammeeyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedh-same) oo ka mid ah Abwaanada Da\u2019da yar ee Reer Somaliland. Abwaanku waxa uu Maansadan si Xeeldheer ugaga hadlayaa dhibaatada Tahriibka. Inta aanan Maansada idiin bilaabin aan ka horeysiiyo Sharaxaad kooban oo Abwaan Xasan Daahir kaga sheekaynayo Habkii ay ku timid Maansadani, waxaanu yidhi: dhawaan aniga oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa waxan la kulmay dhacdo aad ii damaqday. waxa tahriibay dhallinyaro ilaa 20 qof gaadhaysa. qaarkood waxa lagu ambabixiyey lacago deyn ah oo la amaahday, qaarkood guryihii ayaa loo iibiyey, qaarkoodna dhul baa loo iibiyey. bal ka waran adiga oo gurigiina iibiyey ilmihiina waayey, oo tii ALLE heshay? dhacdadani waxay igu dhalisay su\u2019aalo badan, kuwaas oo u baahan in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo, bal kolka hore maxaa loo suudalayaa (tahriibayaa)? haddii jawaabtu tahay dhaqaale xumo, ma dadka caydha ah ayaa tahriiba mise nin wax helaya kolay noolka tahay? aniga waxan qabaa in kalsooni darro loo tahriibo, oo qofku aaminay inaanu iskii u noolaan karayn ilaa reer yurub uu hoos galo. Waxay Maansadu tidhi:&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ifkay gogoshiisu hawl tay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ogow galab noolba waa shil<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ma oge taladii u goostay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ma oga gurigay furayso<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Galiilyada moog dambaysa.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Naftana hungraa gadh qaada<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Cakuye damacaa ku guura<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Haddana godobtiyo lurkeeda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ogow garashaa u qoollan.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Wedkana gamaskii ma iisho<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gaashaan celiyaa ma baajo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ishaa gabadheed ma daaho<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qofnaba gabbalkii ma waaro<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Wax aan hubo geeri kow dheh.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Taniyo anigoo gurguurta<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ilaa maantoo gadh leeyey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 War geediya oo I qooma<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Geddaafo wacaal xambaarsan<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dhegtaydu maxay guddoontay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intaan tebay gaan la waayey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Maxaan murugadda la goohay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Barbaartii iga gablooshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Kuwaan guruxyada u belay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Markaan godobtooda raadshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gunaadiyo ciil gadhoodhay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan gocashada ku qoomay,<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Bad gawliyo gacanka xeebta<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan gooddiyey guhaadshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gartayda miyaan bilaabay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 haddaad maxastayda gawrac<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Badyahay kaga gooban weyday<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Inaad bir ma geydadayda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Sidaa u gashaa gar maaha<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Alleylehe waad gumowday!!<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Geshaan kugu leeyey qaana<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gar qaado ha soo gignaane<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 ILAAH naaraha ku geeye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Adaa gadhmadoobahayga<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Haweenkiyo gaaridayda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ku gaasira meel go\u2019doona<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gudhoo galabtaba abaadso<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Biyuhu gororoo ku gawdhshe<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gawaan noqo meel garoona<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dhul geedigu galab caraabo.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intay guuxday gigleysay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hirkiyo doobtay garaacday<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Waxay tidhi guurowgaagu<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gefiyo waa igu geddaafo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ma geyo godobtaad I saartay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Aweytida aad ganayso<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan galabsaday bal kaadso<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Adoo geyigaagu liito<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hadduu sahankaagu gaabsho<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hadduu samirkaagu guuro<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qaneecaadkuna gabnoobo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Quustoo kugu geylamaysa<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Garaad hirilaa ka seexdo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan geerida shinkeeda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Horteed geedigu ku geynin?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hablaha guday ee tahriibay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hir gaatamayaa idleeyey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Geed ay cuskadaana waayey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Markii gacal baajin waayey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Shariidku miyuu gasiintay?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intuu saxaruhu go\u2019doonshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Halyey lagu giirtay fiicni<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intee xabsi lagu gumeeyey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gashaantimo wada quraysha<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intee guuleed tisqaaday<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Raqdiisii haad ku goohay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dhashii guuluhu ku siiyey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dugaagu muxuu ku guusay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Markuu huudhigu geddoomay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Markay goglanayd barbaartu<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Kalluunku miyuu galiilyo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ilmadda ciil gabbax ka siiyey<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Tiiyoo xeebaha goshooda<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Meydkeenii galangalcoobay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaad garan weyday kaadso.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Xasuuqa tahriibku geysto<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gummaadiyo geeri foolxun<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hooyooyinka weerka goostay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Shilkani kugu gaaf wareegay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Waxuunbaa laga guntaaye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyeydaan kaba gaboobin?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gu\u2019goo da\u2019ay oo gadooday<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gudgude soo gallab caraabay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Markay galawgiyo jugleydu<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ka yuusaan gelida kaynta<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan garashadu dhigaynin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dasada gibilada ku giiji?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Geel iyo geesley lo\u2019daada<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Halkii gelmi iyo dugaag le<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gelgelin gawsaha hungaysa<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Miyaan garashadu dhigaynin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Inaad waaberi ka guurto?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Adoo gurigaagi iibshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Haddaad gabankiina weydo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Adoo gebogebo u yaala<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Haddaad dhiilada guddoonto<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Wedkaad gini siisataaye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Haddaad geerida la jaarto<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hadduu maalkaagu gooyo<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Intuu aadmigu ka giigay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Kolay waa galabsigaaye<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Maxaad gocashada ka toosin?<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Garwaaqsaday inan taraaray<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Guddoon xaal idhi bal qaado.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Sareedaddu may guddeene<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Barbaartuna may go\u2019deene<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Badweyn iskuma gureene<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Xil baan gubin kaad u dhiibtay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Xal muu garan aayatiinle<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Xaq muu gudin aad sugaysay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Halkaad u golleyd ma geynin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hayaankiyo geedigaaga<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Guubaabana wuu ka seexday<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Inuu galab nool tibaaxo.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Guulguulka naftaa ku oogan<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dhalaankani sii gurmaaya<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hankaa laga wada gumaystay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Buug guunaa yidhi ma gaadhid<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Halkuu aadmigu u guuray<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Rajada gibilbaa ka saran<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Runtana waa laga go\u2019doonshay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gabnaad tahaybaa asqaysay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gufaacaa lagu faruuray<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Kalsoonida gabagabaysay.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qofbaad tahay guul abuura<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qofbaad tahay guri yagleela<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qofbaad tahay gaar ahaantaa<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ku gaajo baxoo iskeena<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gankaa kuma dheera caaro<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Aqoontaaduna ma gaabna<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ma gaagixin aayahaagu<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dadkaaguna kuma giriifin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 dalkaagan kama go\u2019aysid<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Galbeed yurub kuuma yeedhin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Giriiguna kuuma baahna<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 gob baad tahay moog inteeda.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 adiga geyigaagu waa kan.<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gargaara faray ka hoogtay<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 ku eeg gabargaal hortaada<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 U fiirso bal goonyahaaga<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gadaashaadana bal dheeho<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Dhalaanbaa kugu gedaaman<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Gidaarada dhaxanta jiifa<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Garaadkaagaa u hiila<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Qabyaa kugu gaafwareegsan<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Hortaa aan cidi gufaynin<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Xilbaa guudkaaga saran<\/p>\n\n\n\n<p style=\"font-size:20px\">\u2022 Ka wayn goosoo dhaqaaji.<\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nabadda iyo Kala Dambeynta, Marka lagu akeekimo, Marka lagu ormeeyee, Falan lagu af-duubee, Marba eelku gororee, Hirashadu asqowdee, Ulashadu hungowdee, Asalkeedu guuree, Ambisadu xidhxidhatee, Babbisadu ku orisee, Is-ahaanta kelinnimo, Dadka wada amaantee, Odeygedu waashee, Ina-belo ka taliyee, Lagu amarro-qooqee, &nbsp; La Illaahyo sheegtee, La awoodo-beenshee, Lays wada bireeyo,&nbsp; Adiguba caqli baad leedahaye, Carar maxaa dhaama [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1251,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[68,65],"tags":[],"class_list":["post-1237","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-xogtii_geeska3","category-xogtii_geeska"],"views":53,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1237","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1237"}],"version-history":[{"count":20,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1237\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1674,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1237\/revisions\/1674"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1251"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1237"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1237"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1237"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}