{"id":1161,"date":"2022-10-15T16:13:21","date_gmt":"2022-10-15T16:13:21","guid":{"rendered":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/?p=1161"},"modified":"2023-03-14T11:10:34","modified_gmt":"2023-03-14T11:10:34","slug":"waar-waa-kee-ka-ay-calooshu-socota-yaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/2022\/10\/15\/waar-waa-kee-ka-ay-calooshu-socota-yaa\/","title":{"rendered":"Waar waa kee ka aan xajisan karaynin, yaa!"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"has-medium-font-size\">Waxa uu soo galay masaajidka qaybtii ay weysada iyo suuligu ku yaaleen, isaga oo kor u hadlaya ayaa waxa uu ku celcelinayaa &#8221; <em>Waar waa kee ka ay calooshu socota, yaa! walaal waa kee ninkan ay calooshu xanuunayso ee aan xajisan karaynin\u2026<\/em> &#8221; ,  marka uu sidan u hadlayo waxa la moodaa, qof loo soo sheegay in uu suuliga joogo qof sakaraad ah, oo ay calooshu socoto, hadana waa ka yidhi: &#8221; <em>Waar niyaw dadkeenu ma yaqaanaan\u2026 Bahashan Liin-Dhanaanta la yidhaahdaa caloosha waa u dawo\u2026 <\/em>&#8221; , kadibna dadkii suuliga sugayay ayaa kolba ka uu eegaa sii jeestaa, oo uu is-mashquuliyaa, si loo moodo qof aan suuliga isagu u socon, qaar mobilka ayay dhegta ku qabsadeen, mooyaan in ay cid la hadlayeen iyo in kale, qaarkood laba-laba ayay isugu jeesteen, oo sheeko iyo hadalo dhaadheer ayay isula baxeen, kuwii suuliga ku jiray ayaa dhakhso uga soo booday suuligii, iyaga oo aan si fiican u xidhanin surwaalkii oo dhinaca haysta, mid baa isaga oo weli ku guda-jira xidhashadii surwaalka inta uu soo baxay yidhi: &#8221; <em>Miyaan ku raagayba\u2026 markiiba sow kamaan soo bixin, waar dee masaajidka anuu kaadi uun baan ula imaadaa, wixii kaleba waa ceeb\u2026<\/em> &#8221; , waxa uu is-lahaa yaan lagu moodin kii la sheegayay, markii suuliyadii laga soo wada baxay, cid gashaba waataa la waayay, ileyn qof waliba wuu baqayaaye, kadib Abu-Jeerinkii ayaa inta uu suuliyadii kolba mid iska eegay, kii ugu nadiifsanaa galay, intii uu ku jiray suuliyadii kale cidi may gelin, ilaa uu ka soo baxayay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-medium-font-size\">Bal ka war; ninkani qof ay calooli xanuunayso oo loo soo sheegay muu jirine, waxa uu doonayay in uu ka hor galo dadkii badnaa ee sugayay suuliga, markii aan weydiiyay: &#8221; <em>Waar maxaad dadka uga nixisayna? <\/em>&#8221; wuxuu iigu jawaabay: &#8221; <em>Iyaga oo lacagtu jeebadaha uga buuxdo, oo geli karaya suuliyadan lacagta ah, ayay hadana kuyuu ugu jiraan suuliyadii masaajidka\u2026<\/em> &#8220;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bal ka war; ninkani qof ay calooli xanuunayso oo loo soo sheegay muu jirine, waxa uu doonayay in uu ka hor galo dadkii badnaa ee sugayay suuliga, markii aan weydiiyay: &#8221; Waar maxaad dadka uga nixisayna? &#8221; wuxuu iigu jawaabay: &#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1217,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,56],"tags":[],"class_list":["post-1161","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qormo","category-sheeko"],"views":54,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1161"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1218,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161\/revisions\/1218"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1217"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1161"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1161"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/soomaal.net\/qormo\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1161"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}