Muslimnimadu 👳🏽🧕🏽 qofka ma u noqon kartaa Passport ⁉️

Badbaadinta shacabka marka ay joogto, inaguma filna xusitaanka gadhkiisu waa laba qabasho, khamiis iyo cumaamadna wuu xidhan yahay, fooddana wuxuu ku leeyahay bar madaw, amaba kasii xeel-dheereeyoo, fiqiga iyo tafsiirkuu yaqaannaa, Qur’aanka ayuu xifdisan yahay, oo waa qaari’i codkiisu hallaasi yahay, iyo… iyo…
Xaqiiqda biyo-kama-dhibcaanka ahi waxay tahay: QOFKAN LAABTIISU WAA HALKA UU GO’AANKIISA RASMIGA AHI YAALLO, MA GARANAYNO WAXA KU JIRA AMA KU QARSOON LAABTIISA, ISLAAMNIMADANA; INTA MUUQATA WAXA KA MUG IYO MIISAAN WEYN INTA LAABTA QOFKA KU QARSOON, KOLKAA IN QOFKII BAADHID IYO HUBSIIMO XEEL-DHEER LA GELIYAA, WAXAY ILLAASHIIMO U TAHAY, DADKAN UU U YIMID NAFTOODA IYO MAALKOODA IYO BADBAADINTA WIXII WANAAGSAN EE AY HAYSTAAN.