Qayilaad ayay wakhtiga ku dilaan!

Heerka caqligooda iyo garashadoodu joogto ma qiyaasi karaysid, indhaha, wejiga iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa, ayaa ay wax uga ratibmaan, oo ay kala soo baxayaan, mid ayaa soo galaya kadibna inta uu sidaa u eeg-eego, ayaa uu iska noqonayaa, isaga oo aan hadlin, kuwii meesha fadhiyay, waxa ay markaaba la soo baxayaan, sababtii ninkaa celisay, bal adba…

Mid kale ayaa baxaya, kadibna intii uu maqnaa ayaa ay kuwii kale goobtii uu fadhiyay wax ku sameynayaan, kii marka uu soo noqdo, inta uu sidaa iyo sidaa u eeg-eego wajiyadooda iyo guud ahaan majliska, ayaa uu wixii ka yaalay inta uu qaato, uu iska baxayaa, wuu dareemay in meeshii uu fadhiyay looga sii dambeeyay, bal muxuu ku ogaaday? Dareenka wajigoodu bixinayo iyo waxyaabo kale oo uu Rabbi Weynaa oo Wanaagsnaaye u fududeeyay, ayuu qiimeeyay, kadibna sidaasi ayuu kula soo baxay waxa dhacay.

Marka ay sheekeysanayaan, laba laba erey ayay sheekada isugu gudbinayaan, hadana way is-fahmayaan, ma gabyaan hadana hadalkoodu sida uu isugu beeg-beegan yahay, waxaa aad is-odhaneysaa malaha waa abwaanada macalimiintoodii, mid ayaa hadlay oo yidhi: “Waar! Kii waxa uu yidhi ma maqasheen?” kuye! Sow muu ridin? Kii hore ayaa hadalka sii watay oo yidhi: Way ka Dari ayuu yidhi? Labadaa erey ee ah Way Ka-Dari, waxa ku hoos qarsoon sheeko dheer, oo marka lagaaga sheekeeyo, muddo saacado ku dhow kuu soconaysa, hadana iyagu labadaa erey, ayaa ay sheekada bilaw ilaa dhamaan kala dhex baxayaan, waa awood iyo garasho Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu siiyay.

Waxa aad is-odhanaysaa waar nimankani hadii ay garashadooda uga faa’iideysan lahaayeen horumarka iyo hagaajinta bulshada, malaha siyaasadaha caalamka ayaa ay kala hagi lahaayeen, maxaa yeelay; maanta gaaladu waxaa ay adduunyada ku hor fadhiyaan, waa xeelad ay soo habeeyeen, oo ay ku hagayaan, qiimeyn ka soo fushay garasho xeel-dheer, oo uu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ugu deeqay.

Hadana nimanka heerkaa uu caqligoodu joogo, hadii aad aragto xaaladoodu sida ay tahay, waad argagaxaysaa, waxa ay dhex fadh-fadhiyaan, oo ay ku hoos jiraan kolayada iyo maqaaxiyaha ka sameysan googaradaha iyo jawaanada la isku-maxaadhiyay, maqaaxiba maqaaxida ay ka qudhmuun iyo kulayl badan tahay, ayaad ugu tageysa midba midkii uu ka garasho iyo caqli badnaa.

Marka aad gasho majlisyada iyo maqaaxiyaha, waxa aw-bidaar iyo gadh-madoobe dhex fadhiya ma qiyaasi kareysid, mid walba waxa hor taala, bac qaad ama jaad ku jiro, iyaga oo aan wax waxtar u leh adduunyadooda iyo aakhiradooda midna haynin, ee fikir iyo is-dhaafinta wakhtiga uga jeeda qayilaadaasi, Toloow! goorma ayaynu ka bixi doonnaa, oo dadku baraarugi doonaan.

Ninkii ka yaabay waxa uu yidhi: Soomaali Maxamed Qiyaamihii Ifkuu Ku Helay Qiranna Maayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?