Bal Inta Uu Le’eg Yahay Ee Uu Xamar Doonayo Eega !!!

Suuqa Hargaysa ayey beri hore ka dhacday: laba tuug oo xarfaan ahi ay nin lacag kala baxeen, markii uu Ninkii dareemay in lacagtii laga xaday, ee uu is yidhi hadal, ayay labadii Tuug caqli keeneen, oo ay wanjaleen ninkii, inta ay dhirbaaxo la dhaceen ayay kor u yidhaahdeen “Kelebka xumi bal inta uu le’eg yahay ee uu Xamar doonayo eega !!!”

Dadkii asqaysnaa ee aan waxba hubsan jirinna, miskiinkii lacagta lagala baxay, ayey Tuugtii wanjashay ee dilaysay ay u soo raaceen, markaas ayaa inta ay Dadkii Ninkii ku dageen, ay dhugta ka saareen.

Markii Ninkii la bukaasay, ee dhulka loogu tuuray, ayey labadii Tuug iyagu iska duseen, oo ay Ninkii oo la garaacyo ay meesha ka baxsadeen, bilayskii ayaa meeshii yimid, oo intay Ninkii oo la garaacay ay kexeeyeen ku yidhaahdeen: waar maxaa adiga Xamartan iyo baddan aad gashay kugu watay?

Ninkii wuxuu yidhi “Waar anigu Xamarba ma soo qaadine, Tuugtu lacag ayey igala baxday, markii aan damcay in aan lacagtayda ka hadlana, Dadkii ayey iga hor keeneen, oo waxay yidhaahdeen: Xamar buu doonayaa, markaa dad waalwaalan oo aan waxba hubsanayn ayaa i helaye, Tuugtii iyo dadkii i dilay ha la ii soo qabto, imikaan soo miraabay oo aan sharcigii dhex joogaaye

Tab hayoow lagaa tab haye

#Xaji_Ibrahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?